Xog: Allgalgaduud Oo Heshay Liis Ka Mid Golaha Wasiiradda Qaar Ka Mid Ah

0

war-h2Muqdisho (AGGM): Warbaahinta Allgalgaduud xafiiskeeda Magaalada muqdisho waxaa maanta u suuro gashay inay hesho nuqul ka mid ah golaha wasiiradda dawlada federaalka ah ee Soomaaliya,waxaan golahaas wasiiradda ka dhex muuqda qaar ka mid ah xubnihii xukumadii Raisalwasaare Saacid oo nasiib u yeeshay inay dib u soo laabtaan.

Maalinimada beri ah ayaa lagu wada in lagu dhawaaqo golaha wasiirada sidoo kalena waxaa dhici karta in lagu dhawaaqo maalinimada Talaada ee soo socota balse waxaa loo badinayaa in lagu dhawaaqo beri oo isniin ku beegan.

Waxaana Magacyadda Iyo Qabiiladda ay ka soo kala jeedaan xubnahaasi yihiin sidan:

DAAROOD

  1. Maxamuud X. Suleymaan: Wasiirka Maaliyadda
  2. Xuseen Cabdi Xalane: Raisul Wasaare Kuxigeen, Wasiirka lacagta iyo deeqaha Caalamiga ah
  3. Da’uud Maxamuud Bisinle: Wasiirka Macdanta iyo Biyaha
  4. Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil: Wasiirka Dastuurka iyo Federaalka
  5. Siciid Nuur Dani:

BEESHA SHANAAD

  1. Faarax Cabdiqaadir: Wasiirka Caddaaladda
  2. Maryan Qaasim: Waxbarashada/Caafimaadka
  3. Muxiyadiin Maxamed Kaalmoy
  4. Sahra Maxamed Cali Samatar
  5. Sh. Cabdiraxmaan Sh. Ciise

HAWIYE

  1. Cabdikariim X. Guuleed: Wasiirka Arimaha Gudaha
  2. Cabdullahi Goodax Bare:
  3. Yuusuf Garaad: Wasiirka Warfaafinta, Hidaha iyo Dhaqanka
  4. Maxamed Nuur Gacal:
  5. Maxamed Mukhtaar/ Coloow

DIR

  1. Fowsiya Yuusuf Xaaji
  2. Maxamed Xayir Maareeye
  3. Maxamed Ibraahim Aadan: Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta
  4. Prof. Cilmi:
  5. Prof. Cabdullahi Ebyan Nuur: Diinta iyo Awqaafta

DIGIL & MIRIFLE

  1. Cabdixakiim Fiqi: Wasiirka Gaashaandhigga
  2. Maxamed Axmed Xasan Dalab
  3. Saalim Caliyow Ibrow
  4. Yusuf Macalin Badiyow
  5. Daahir faarax jaamac

Sidoo kale waxaa jira isqabqabsi beelaha dhexdooda ah oo laga yaabo in qaar ka mid ah xubnaha cusub lagu bedelo kuwo kale waa hadii ku dhawaaqistu berito dib u dhacdo,balse hadii beri sidan lagu dhawaaqo waxay u dhici doontaa sida meesha ku xusan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Xafiiska Warbaahinta Allgalgaduud Ee Muqdisho

Allgalgaduud@gmail.com