Askar ka tirsan Ciidamada Puntalnd oo la Dilay

0

13Boosaaso(AGGM): wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee Xaruunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland maanta lagu Weeraray Deegaanka Laag ee Gobolkaasi.

Waxaana inta la xaqiijiyey Weerarkaas ku Geeriyooday 5 Askari oo ka tirsan Ciidamada maamulka Puntland iyo Dhaawacayo kale oo soo gaaray Ciidamada Mamaulkaasi.

Weerarka ayaa lagu soo waramayaa in ay Geysteen Kooxo Hubeysan oo aan la ogeen halka ay ka Amar qaataan.waxaana Ciidamadii ku dhaawacmay oo la sheegay in ay gaarayan 100 Askari la Dhigay isbitaalka Guud ee Magaalada Boosaso.

Wararka Qaar ayaa sheegaya  In weerarka ay geysteen Maleeshiyadka Kooxda Al-shabaab ee ka dagaalama Buuraleyda Galgal ee Gobolkaasi Bari.

Saraakiisha Ciidamada Maamulka Puntland Gaar ahaan kuwa Gobolka Bari ayaa sheegay in ay jiraan Tuhun ku aadan in Maleeshiyadka al-shabab ay weerarka fuliyeen Laakiin baaritano ay wadaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com