Maqaal: Cali Daacuun “Xildhibaanad Sahra Qoorsheel Oo U Tafa Xeydatay In Walaalkeed Siciid Qoorsheel Laga Dhigo Wasiirkii Beesha Maxamuud Harti”

0

cali-dacuun1Muqdisho, 4 Jan, 2014——Qoraalkani wuxuu si toos ah ugu socdaa Dhamaan Umadda Soomaaliyeed DIBAD IYO GUDABA, wuxuuna qoraalku xambaarsan yahay (Cadaalad Darro).

Beesha Maxamuud Harti, waxay u kala dhalatay sidan hoos ku qoran:

1- Hinjiye Maxamuud Harti
2- Warsangeli Maxamuud Harti

Laga bilaabo 1960-kii, oo aynu qaadanay Xornimadii Calanka Soomaaliyeed, waxaa si toos ah u qaadanaayey saamiga beesha (WALAALKEY WARSANGELI), waxayna garan waayeen inay leeyihiin Walaal ay isku saami yihiin, deegaanna wadaagaan, waa nasiib darro u soo hoyatay reerka la yiraahdo Warsangeli. Waxayna yeelan waayeen QANEECAAD.

Dowladdii Milatariga aheyd, dowlad dalka ku qabsatay inqilaab, wax aan ugu ciil qabo walaalkey ma jirto, maadaama aan wax saami beeleed ah aanu meesha jirin.

Burburkii dowladda kadib, mar walba waxaa lagu qeybsanaayey qaab QABIIL, markasta waxaa kuraasta qaadanaayey walaalkey WARSANGELI. Waxaana u saxiixi jiray Salaadiin kala duwan, kii ugu danbeeyay wuxuu ahaa Siciid C/salaam, oo garan waayey Umadda uu yahay Suldaanka una kala eexday.

Beeshu waxay qaadatay 5-kursi oo Sharci dejinta ah, 4-kursi waxaa qaatay beesha Warsangelin, hal kursina waxaa qaatay Beesha OGEYSLABE, oo deegaan la leh beesha MAXAMUUD HARTI.

Maanta waxaa dalka ka jira dowlad, waxayna leedahay Madaxweyne, Ra’iisul wasaare, Gole baarlamaan ma xaqbaa in Kuraasta Fulinta loogu daro Beesha qaadatay Kuraastii Baarlamaanka, waxaan jeclahay in dowladdu ay ka garnaqdo cadaalad darrida, waxaa kale oo aan Tuhun sanahay in Wasiirkii hore ee Arrimaha Guduhu uu lug weyn ku leeyahay in kursiga fulinta la siiyo SICIID QOORSHEEL (إن بعض الطنّ إثم), oo walaashii SAHRA QOORSHEEL ay tahay MUDANE BAARLAMAANKA AH.

Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha, waxaan u qoray qoraal ku taariikheysan 28/12/2013 kuna saabsan inaan kursiga fulinta la siin Beesha Warsangeli, maadaama ay ku fadhiyaan sharci dejintii, waxaan dhowraaba inay madaxdu fuliso cadaalad darrida ka aloosan beeshaas.

Beesha Daarood siyaasiyan, guurti ahaan, madax dhaqameed ahaan, waxaa ka raacday (DOQONIINO) arrintan, waxayna soo jiitameysay muddo dhan 20-sano.

Ra’iisul wasaaraha Cusub waxaan ka rajeynayaa inuu fahmo cadaalad darrida, ka jirta beesha, maadaama aanu wadaagno heybta guud ee DAAROOD.

Cali Daacuun
Khabiir Siyaasadeed

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com