Top News: Philippe Lazarrini Oo Loo Magacaabay Ku-Xigeenka Wakiilka QM Ee Soomaaliya.

0

Philippe-Lazzarini1New York (AGGM): Xog-hayaha guud ee QM Ban Ki-moon ayaa u magacaabay Philippe Lazzarini ku xigeenkiisa ergayga gaarka ee QM Soomaaliya iyo isku duwaha arimaha bini’aadanimada Soomaaliya.

Mr Lazzarini oo ah ruux u dhashay dalka Switzerland ayaa qaban doono ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Somalia Nicholas Kay, kaasi oo madax u ah xafiiska gargaarka Soomaaliya ee UNSOM.

War qoraal ah oo kasoo baxay qaramada midoobay ayaa lagu sheegay in Nicholas Kay uu ku xigeen u ahaan doono Mr Lazzarini, kaasi oo ahaa madaxa arimaha aadanimada QM ee Soomaaliya.

Xafiiska QM ee Soomaaliya ayaa la hergeliyay bishii May, kaasi oo la sheegay in loogu talo galay in lagu caawiyo dowlada Federaalka Soomaaliya.

Mr. Lazzarini, ayaa ahaa isku duwaha arimaha aadanimada iyo waskiilka UNDP ee Soomaaliya tan iyo sanadkii March ee sanadkaan maanta ku e gee 2013, waxaana uu sii heyn doonaa shaqooyinka uu ka sameynayo Soomaaliya, sida lagu sheegay warka qoraalka ah.

Sidoo kale Lazzarini, ayaa soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin hayada ICRC ee koofurta Sudan, Beirut, Amman Gaza Bosnia, Angola iyo Rwanda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com