Top News: Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Kawada Magaalada Baladweyne.

0

BaladweyneBaladweyne (AGGM):Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa waxa ay Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan ay ka wadaan howlgalo lagu xaqiijinayo ammaanka Magaaladaasi.

Howlgaladaan ayaa ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM waxa ay ka wadaan laba xaafadood oo ka tirsan Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalkaasi, kuwaasi oo ka baadigoobaya rag ka tirsan Shabaab.

Saraakiisha ciidanka Dowladda Soomaaliya ee howlgalka horkacaya, waxa ay sheegeen inay dib kasoo faah-faahin doonaan cida ay kusoo qabtaan howlgalkaasi.

Xaafadaha Xaawo Taako iyo Kooshin oo kawada tirsan Magaalada Beladweyne ayeey ciidanka Dowladda howlgalka kawadaan, halkaasi oo lagu sheegay inay ku sugan yihiin rag qorsheynaya falal lidi ku ah ammaanka inay ka geystaan.

Ilaa hada wuu socdaa howlgalka ciidanka Dowladda ay kawadaan Magaalada Beladweyne.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com