Daawo Sawirada: Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Sheekh Oo Maanta Kormeeray Dekedda, Iyo Xerada Barakacayaasha Ee Rajo, Xarigana Ka Jaray Dugsigii Sare Ee Macalin Jaamac.

0

DSC_0165Muqdisho, December 28, 2013—-Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta kormeerkiisii ugu horeeyey ku tegay Dekedda Caalamigaah ee magaalada Muqdisho, Xerada Barakacayaasha ee Rajo, waxaana sidoo kale uu xariga ka jaray Dugsigii sare ee Macalin Jaamac oo dib u dhis iyo qalabeyn dawladdu ku sameysay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyntii ka qeybgalay munaasabad kooban oo xariga looga jarayay dib u furida Dugsigii sare ee Macalin Jaamac oo ku yaala degmada Xamarweyne, kaasoo burbursanaa muddooyinkii dagaalada, waxaana Dugsigan dayactirtay Wasaaradda Addeega Bulshada. Oo ka duuleysay qorshaheedii aada Dugsiyada oo dib loogu furayay dhamaamba Dugsiyadii waxbarasho ee ku burburay dagaalada, si ay fursad u helaan Hal Milyan oo caruurta Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii uu xariga ka jaray Dugsigan waxa uu xusay in muhiimad gaar ah ay u leedahay waxbarashada dalka iyo bulshada Soomaaliyeed, isla markaana xukuumadiisu balan qaadeyso horumarinta iyo bobcinta adeegyadii waxbarasho iyo tayeynta macalimiinta Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha oo kormeerkiisan sii wata ayaa tegay Dekedda weyn ee Muqdisho, waxaana uu halkaasi kula kulmay maamulka Dekedda iyaga oo warbixin ka siiyay howlaha Dekedda iyo kor u kaca Dakhliga ay sameysay Dekedda sanadkan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in ahmiyad gaar ah ay u leedahay dawladda Soomaaliyeed habsami u socodka howlaha Dekedda iyo aruurinta dakhliga, maadama buu yiri ay tahay Isha kaliya ee ugu ballaaran ee ay dakhli gudaha ah ka helaan.

“Xukuumadda aan soo dhisayo waxay dardargelin doontaa kaabayaasha dahqaalaha iyo kobcinta illaha Dakhliga ee dawladda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo xusay in si dhow ay ula socon doonaan dhamaan Dekeddaha dalka.

Ra’iisu Wasaaraha ayaa sidoo kale, booqday Xerada barakacayaasha ee Rajo oo ay ku noolyihiin qoysas tiradoodu gaareyso 2,400, waxaana halkaasi uu ugu kuurgalay xaaladda nololeed ee dadkan ku nool xeradan. Iyadoo howlwadeeno u dhashay dalkaTurkiga, gacantana ku haya xeradan ay warbixin ka siiyeen qaabka ay kaalmada ugu fidiyaan barakacayashan.

“Waxaan halkan mahadnaq ballaaran uga jeedinayaa dawladda iyo shacabka aanu walaalaha nahay ee Turkiga oo runtii noo muujiyay gargaar iyo garab istaag walaaltinimo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, oo dhanka kale xusay in dawladda Soomaaliyeed ay xooga saari doono sidii dadkan ay u heli lahaayeen adeegyada aas aasiga u ah nolosha sida waxbarashada, caafimaadka.

Ugu dambeyntiina, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli SheekhAxmed Maxamed ayaa gurigiisa ku booqday Fanaanka weyn ee Cabdi Tahliil Warsame oo in muddo ah xanuunsanaya. Wuxuuna Ra’iisul Wasaaruhu aad uga murugooday xaaladda adag ee Cabdi Tahliil, wuxuuna Alle uga baryay Caafimaad deg deg ah. “

“Fankeena Soomaaliya wuxuu kaalin weyn ka soo qaatay wacyigelinta bulshada, waana laf dhabarka horumarka iyo is dhexgalka bulshada, waxaan halkan ka bogaadinayaa dowrkoodii wanaagsanaa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo salaan diiran u diray dhamaamba Fanaaniinta, Abwaanada iyo howlwadeenada fanka.

—- DHAMAAD—-

IMG_9746 DSC_0392 DSC_0384 DSC_0333 DSC_0321 DSC_0319 DSC_0263 DSC_0254 DSC_0240 DSC_0227 DSC_0223 DSC_0188 DSC_0172 DSC_0165 IMG_9765 IMG_9742 IMG_9739

Ayuub Ismaaciil Yuusuf
Press officer, PM office
Mogadishu, Somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com