Top News: Odayaasha Dhaqanka Baydhabo Oo Baaq U Diray R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed.

0

top-newsBaydhabo (AGGM): Odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ugu baaqay Raysul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed in uu la yimaado isbeddel deg-deg ah, isla markaana uu wax ka qabto halka ay mareyso xaaladda Soomaaliya.

Odayaasha iyo siyaasiyiinta ayaa intaas raaciyay in raysul wasaaraha cusubay bulshada ka sugeyso xukuumad tayo leh oo bulshadu ay ku kalsoonaan karto, waxayna ugu hambalyeeyeen kalsoonida uu ka helay baarlamaanka Soomaaliya.

Malaaq Cali Cabdiraxmaan Shiino oo ku hadlayay magaca malaaqyada iyo waxgaradka magaalada Baydhabo ayaa u rajeeyay raysul wasaaraha cusub in uu ku guuleysto xilka loo magacaabay.

Siyaasiga Maxamed Cali Aaden Qalinle ayaa isna ugu baaqay Raysul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed in uu caddaalad ku hoggaamiyo shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna beesha caalamka ka codsaday in ay taageero siiyaan Raysul wasaaraha.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com