Dhageyso: Wafdigi Dowladda U Dirtay Gobolka Shabeelaha Hoose Oo Dib Ugu Soo Laabtay Magaalada Muqdisho.

0

WarbixinMuqdisho (AGGM): Wafdigii Dowladda federaalka Soomaaliya ay udirtay Gobalka Shabeelaha hoose ee maalmahan Gobalkaasi ka waday dhex-dhexaadinta Beelaha Gobalka ku dagaalamay ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Cabdi Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi Wasiirka Gaashaandhiga dalka Soomaaliya oo wafdiga hor ka cayey ayaa sheegay in Gobalka ay kala soo hooydeen guulo la taaban karo, waxaana uu sheegay in ciidamadii labada beelood ee dagaalamay ay kala qaadeen oo haatan ay hishiis horudhac ah kala dhex dhigeen.

Wasiir Fiqi ah ayaa sheegay in goobihii lagu dagaalamay lageeyay ciidan isugu jira AMISOM iyo kuwa Dowladda federaalka Soomaaliya ayna ku dadaalayaan xaqiijinta in aan mar kale dagaalku soo laaban.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada hoose C/qaadir Siidii ayaa soo dhaweeyay guulaha uu wefdiga ka socda dowladda ka gaaray xallinta khilaafaadka iyo dagaal beeleedyada halkaasi dhawaan ka dhacay.

Hoos ka dhageyso Xildhibaan ka mid ahaa wafdiga oo ka warbixiyay waxay ku soo arkeen safarkooda iyo guulaha ay ka soo gaareen.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga…

Dhageyso Wafdiga Dowladda Oo Dib Ugu Soo Laabtay Muqdisho

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com