Top News: Dad Lagu Qab Qabtay Magaalada Baledweyne.

0

1Baledweyne (AGGM): Ciidamada Dowladda Soomaalia iyo kuwa AMISOM ayaa maanta howlagl
xoogan ka fuliyey Xaafadaha Magaalada Baledweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan.

Waxaa Ciidamada Iskaashanaya ay gacanta ku soo dhigeen Dad gaaray 100-ruux oo iskugu jira Kooxaah oo iskugu jira Dadka Falalka Amaandaro ka geysta Soomaalia,gaar ahaan Magaalada Baledweyne.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Dadkaan baaraitaan lagu wado Cidii Al-shabaab ahna Cadaalada la marin doono.

waxaa sidoo kale Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Hiiraan ay ka codsadeen Shacabka Reer Hiiraan in ay Amaanka kala shaqeeyaan si loo helo Nabad waarta.

Maalmahaan ayaa Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM waxaa ay wadeen howlgalo lagu xoojinayo Amaanka Magaalada Baledweyne.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com