Dhageyso: Shirkadaha Xawaaladdaha Magaalada Afgooye Oo La Xiray.

0

11Afgooye (AGGM): Sida uu xaqiijiyay Guddoomiye kuxigenka dhanka ammaanka ee Degmada Afgooye, ciidan uu wato sarkaalka qaabilsan dhanka Maaliya Afgooye ayaa maanta barqadii albaabada ulaabay qaar kamid ah xawaaladaha ka howlgala Degmada Afgooye.

Mahdi Axmed Xasan oo Warbaahinta Magaalada Muqdisho wareysi siiyay, ayaa sheegay in sarkaalkaasi oo wata ciidan sida uu sheegay beeshiisa ay ay xireen xawaaladaha Afgooye.

Wuxuu sheegay inaysan kawarqabin arintaasi oo aan lagu soo wargelin, isaga oo taasi ku tilmaamay arin qalad ah oo lagala xisaabtami doono shaqsi sameeyay arintaasi.

Guddoomiye kuxigeenka dhanka ammaanka ee Degmada Afgooye, ayaa intaasi hadalkiisa wuxuu ku daray inaan la isaga hari doonin sababta ka dambeysa in la xiro xawaaladaha Degmada Afgooye.

Sarkaalka lagu eedeeyay inuu ka dambeeyo xiritaanka xawaaladaha Gobalka Degmada Afgooye oo aan la xiriirnay ayeysan noo suuragelin inaa qadka taleefoonka ku helno.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga…

Gudoomiye kuxigeenka dhanka Amaanka

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com