Top News:Dhalinyaro Al-Shabaab ah oo lagu qabtay Jowhar

0

5Jowhar (AGGM): Howlgal Xoogan oo ay maanta Magaalada Jowhar ka fuliyeen Ciidamada Dowladda Soomaalia ayaa waxaa laga sameeyey Xaafadaha Magaalada Jowhar.

wararka ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaalia ay howlgalkaas ay kusoo qab qabteen Tiro Dad ah oo qaarkood ay yihiin Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab.

Gudoomiyaha Gobolka Sh/hoose Cabdi Jiinow ayaa sheegay in Ciidamada Soomaalia ay Howlagal safbalaaran ah ay saaka fuliyeen islamarkaana ay ku soo qab qabteen Dad gaaraya 10-ruux oo qaarkood ay yihiin Maleshiyaadka Kooxda Al-shabaab.

waxuu intaa ku daray Jiinow in Dadkaan la soo qabtay Lagu hayo Xabsiga dhexe ee Magaalada Jowhar Su’aalona lagu weydiinayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com