Top News: Ciidamo Itoobiyaan Ah Iyo Kuwa Dowladda Soomaaliya Oo Hawlgal Ka Bilaabay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Gedo.

0

WarbixinGarbahaarey (AGGM): Wararka naga soo gaaraya maanta magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo Itoobiyaan ah oo ay wehlinayaan kuwa dowladda Soomaaliya ee gobolkaasi ku sugan ay maanta ka bilaabeen hawlgal ka dhan ah falaagada argagixisada ah ee Al Shabaab ee weerarada ka geysta gobolkaasi.

Hawlgalkan ay fulinayan ciidamadan Huwanta ah ayaa ka biloowday degmooyinka Luuq iyo Garbahaarey, iyadoo ciidamo fara badan ay u dhaqaaqeen tuulooyin ku dhow dhow labadaa magaalo ee ka tirsan gobolka Gedo.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka oo fara badan ay baadigoobayaan dadka taageersan falaagada argagixisada ah ee Al Shabaab ama la shaqeeya, sida aan warka ku heleynana waxaa la qabtay dad badan.

Isku soo wada duuboo Hawlgaladan ayaanay jirin ilaa hadda cid ka hadashay oo ka tirsan maamulka gobolka Gedo, waxaase ay ku soo beegmayaan xilli dhowaan ciidamada dowladda ee gobolka Gedo iyo ciidamada Itoobiya ay sheegeen inay weerar ku qaadidoonaan deegaanada gobolka Geed ee weli ku jira gacanta ururka argagixisada ahe ee Al Shabaab gaar ahaan degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com