Top News+Akhriso: R/wasaaraha Itoobiya Oo Hambalyo U Soo Diray R/wasaare Soomaaliya Cabdiweli Sheekh.

0

Ethiopian Deputy Prime Minister and Foreign Minister Hailemariam Desalegn attends the Joint Political Committee meeting between Sudan and Ethiopia in Khartoum December 24, 2011. REUTERS/ Mohamed Nureldin Abdallah (SUDAN - Tags: POLITICS)Addis Ababa (AGGM): Raysul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay iyo ansixinta baarlamaanku uu ansixiyay raysul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed.

Hailemariam ayaa u rajeeyay raysul wasaaraha cusub ee Soomaaliya in uu ku guulaysan doono howlaha ballaaran ee hor yaalla xukuumaddiisa.

Wuxuu sheegay in uu filayo in hoggaanka Cabdiweli Sheekh Axmed uu sii xoojin doono xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya labada dal.

Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Sabtidii cod gacan-taag ah ku ansixiyay magacaabista raysul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

WARK

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com