Cali Daacuun “Maxaa Ku Xigi Doona, Dhagartii La Dhagray R/wasaarihi Hore, Xagee Beyse Ku Danbeyn Doonaan Wasiiraddii La Soo Eedeeyay Ee Saxiixay Mooshinka?

0

cali-daacuunKolkii Laga Soo Noqday Dagaalkii Bariga Dhexe, JAMAAL C/NAASIR Wuxuu Yaqiinsaday, Inuu Ku Fashilmay Dagaalkii MASAR Ay La Gashay ISRAA’IIL, C/NAASIR ALLE HA U NAXARIISTEE wuxuu markiiba geeyay baarlamaanka (Istiqaalad), waxaase diiday shacabkii Reer Masar, oo yiri LA’ YAA JAMAAL.

Haddii maalintii dhoweyd, baarlamaanku ay aqbali lahaayeen in Ra’iisul-wasaarihii hore, yimaado baarlamaanka, oo uu iska difaaco EEDDII loo soo jeediyay waxaan hubaa inuu heli lahaa cod ku filan, oo xaqiijiya inuu sii wato shaqadiisii.

Waxaana soo bixi lahaa in MADAXWEYNUHU qaato go’aan ah, inuu shir jaraa’id qabto, iskana casilo xilka MADAXWEYNAHA, maadaama uu ku guul dareystay shirqoolkii dhagareysnaa.

Waa la hubaa in laga diidi lahaa ISTIQAALADDA, laguna dhammeyn lahaa khilaafka wadahadal iyo heshiis caafimaad qaba, nasiib darro waxaa halkaas ka dhacay (FULEYNIMO).

Kooxda yar ee ka soo jeeda Urur Diimeedyada, waxay marwalba ku dirqin jireen Madaxweynaha in la baxsho Ra’iisul-wasaarihii hore, weyna ku guuleysteen, ee MAXAA XIGI DOONA?.

RA’IISUL-WASAARAHA CUSUB waan soo dhoweynayaa, maadaama uu yahay nin cusub, MURTI AYAA ORANEYSA (AAN KU BARTEE, II HADAL), waa lagu diirsaday khudbaddiisii uu ka jeediyay baarlamaanka, waxaana ka muuqatay inuu garanaayo waxa loo magacaabay, loona siiyay codka kalsoonida, waxaan ka rajeynayaa inaanu aqbalin in lagu soo fara geliyo awooddiisa fulineed ee ku qoran dastuurka, haddii ay dhacdo in kooxdii ku mamtay siyaasadda iskana fogeysay dastuurka, ay soo weerarto, waxaan kula talin lahaa inuu si deg deg ah ISTIQAALAD U DHIIBO, hadda ayuu shaarkiisu nadiif yahay.

Waan hubaa Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamanka, Kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka, iyo (BROKERS) ku jira mudanayaasha Baarlamaanka inay ku dhaqmi doonaan, hab dhaqankii siyaasadeed ee ay caadeysteen.

Shacabka Soomaaliyeed, wuxuu ka dhowrayaa Ra’iisul-wasaaraha cusub, Gole wasiiro oo ka kooban 18-wasiir, 18-kuxigeen, 2-wasiiru dowle oo tayo aqooneed, mid khibradeed leh; haddii ay intaas ka bataan waxay noqonayaan SHIMBIRAYAHOW HEESA, HEES WANAAGSAN HEESA.

Waa lagama maarmaan in laga faa’iideysto, taariikhda aan beenta sheegin, waxna aan dulmiyin, Wasiirka koowaad, waa inuu ka faa’iideystaa dhacdooyinkii ka dhacaayey dalka, tii u danbeysay ay ahayd dhagartii la dhagray Ra’iisul-wasaarihii hore.

Waxaa soo noqnoqanaaya dagaaladdii qabaa’ilka, waxayna ka socdaan in muddo ah gobolada kala ah, HIIRAAN, SH/HOOSE, SH/DHEXE, kii ugu danbeeyay waa kii shalay ka dhacay magaalada Afgooye, waxaan qabaa SU’AAL: MAXAA
MEELAHA AY KA TALIYAAN SHABAABKU NABAD KA DHIGAY? Jawaabteeda waa u baahanahay.

MAXAASE MEELAHA AY DOWLADDU KA TALISO KA RIDA DAGAALADA SOKEEYE? Jawaabtaas waan u baahanahay. Waxa qura ee iga qancin karaaya waa Madaxweynaha, maxaa yeelay, isaga ayaa ah (Head of State).

Waxaan ka soo horjeedaa in Dastuurka LA LAABO, laguna dhaqmo siyaasad oraneysa LA JIIFIYAA BANAAN, LA JOOJIYAA BANAAN, ma aha mid shacbiga soomaaliyeed ee dowlad la’aantu ragaadisay ka saareysa dhibaatada, haddii
dastuurka lagu dhaqami waayo.

Lama aqbali karo siyaasiyan, macwiyan, wadaniyan inay ku soo noqdaan saaxada siyaasadda wasiiraddii hore, ee abuuray khilaafka, kuna dhawaaqay in ay fashilmeen, haddey dhacdo inay horyimaadaan shacabka soomaaliyeed, waxaynu noqoneynaa shacab aan taariikh laheyn, laguna tilmaami karo (UMUL, WAX ILOWDA).

Beesha Caalamka, waxaan ka codsanayaa in Dhaqaalihii la siin jiray dowladdan itaalka daran ee aan laheyn ajande dowladnimo, mid sharci, mid siyaasadeed in laga joojiyo dhaqaalaha, maxaa yeelay waxay u isticmaaleen hab ka duwan kii aad ugu talagasheen.

Khabiir Siyaasadeed

Cali Daacuun
kheyreps@gmail.com

Qoraalkan Waa fikirka qoraha marnaba kama turjumayo fikir Warbaahinta Allgalgaduud Media waxii dhaliil ah ama amaan ah fadlan kala xiriir qoraha emailkiisa kheyreps@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com