DIGNIIN: Qaar Ka Mid Ah Warbaahin Soomaalida Oo Been Abuur Ku Sameeyay Xaga Kalena Urogay Sawirka Dhaarintii R/wasaare C/wali Sheekh Axmed.

0

sow10Waxaa ah wax aad loola yaabo islamarkaana caado ay ka dhigteen qaar ka mid ah Warbaahinta Soomaalida inay ku been abuurtaan R/wasaare walba oo qabta Xilka.

Warbaahinta Soomalida Qaarkood Ayaa Baahiyay War Been Abuur Ah oo Aan Geed Loogu Soo Gaban, Kaasi oo lagu Ceebaynayo Sharafta  Raysal Wasaaraha Soomaaliya, Diinteena, Sharafta Dalkeena iyo Dadkeenaba.

Warbaahintan ayaa waxa ay islahaayeen wax u dhima Sharafta R/wasaaraha balse waxa ay ay meel ka dhac u geeysteen Dadka Soomaaliyeed oo ah dad 100% Islaam.

Sawirkan ay soo baandhigeen qaar ka mid ah Warbaahinta ayaa waxuu ka mid ahaa sawiradi laga soo qaaday Baarlamaanka Soomaaliya maalinti la ansixinayay Islamarkaana la dhaarinayay R/wasaare Ca/weli Sheekh Axmed.

Sawirkan ayaa waxaa loo rogay xaga kale si looga dhigo Inuu R/wasaarahasaaray Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah Ku Dhaartay GACANTA BIDIXDA ah.

Sawirka Been Abuurka Ah
been-abuur

Sawirka SAXA Ah ee la rogay.
sow10

Halkaan Hoose Ka Daawo Dhaarinti R/wasaare C/wali Sheekh Axmed

Waxaan uga digeynaa warbaahinta been abuurka intaas le’eg sameenaya inay ka waantoobaan, haddiise ay sii wadaan been abuurka waxa ay heli doonaan jawaabo aysan dib dambe ugu dhiiran been abuur inay uga sameeyaan R/wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com