Top News: Dhuusamareeb Oo Shalay Looga Dabaal Dagay Aas Aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

0

bol7Dhuusamareeb (AGGM): Magaalada Dhuusa Mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa shalay lagu qabtay munaasbadda 70-guuradii ka soo wareegtay aas aaska Ciidamada Boliika Soomaaliyeed, iyadoo munaasabadaasi ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaaladaasi, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka, saraakiil, iyo marti sharaf kale.

Munaasabadda oo lagu qabtay saldhiga degmada Dhuus mareeb ayaa dadkii halkaasi ka hadlay waxa ay ku dheeraadeen ka sheekeynta waxqabadka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo sida loogu baahan yahay la shaqeynta ciidamadaasi, waxaana ay balan qaadeen dadkaasi in si buuxda ay ula shaqeynayaan oo ay taageerayaan Ciidanka.

Inta badan gobolada dalka ayaa shalay laga xusay munaasabadda 70-guuradii ka soo wareegtay Aas aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana taa daliil ay u tahay sida Shacbiga Soomaaliyeed ay diyaar ugu yihiin la shaqeynta iyo taageero siinta ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com