Top News: Booliiska Itoobiya Oo Xabsiga Dhigay Dad Lala Xariiriyay Falaagada Al Shabaab.

0

ethiopian f policeAddis Ababa (AGGM): Booliiska Dalka Itoobiya ayaa xabsiga u tixaabay dad lala xariiriyay in wax ka soo abaabuleen weerar ismiidaamin ahaa oo fashilmay bishii Oct ee tagtay.

ku dhawaad 7 ruux ayaa loo qab qabtay falkaa isku dayga ah ee fashilmay kadib markii laba ruux oo soomaali ah oo doonayay in weerar is miidaamin ah ku qaadaan Garoonka Kubadda Cagta Adis ababa xili ay ka socotay ciyaar is reeb reebka koobka aduunka u dhaxaysay Nageria iyo Itoobiya.

Afayen u hadlay Booliiska Itoobiya ayaa sheegay in dadkaan dhamaantood yahiin soomaali waxa uuna sheegay in dhamaan dadkii falkaa maleegayay gacanta lagu hayo oo sharaciga la horgayn doono kuwaas oo la aaminsan yahay in xariir la leeyahiin falaagada Alshabaab.

Hay,addaha Sirdoonka Itoobiya oo waraysi la yeeshay dadkii ay qabteen u sheegeen in labada nin ee is qarxiyay ka hor inta aysan gaarin goobta bartilmaameedka u ahayd ahaayeen laba nin isku diyaarinayay guri ku yaal xaafada Bole oo ah halka qaraxa ka dhacay.

Hayeeshee waxaa ay sheegeen in mid ka mid ah labadaa nin xirnaa jaakada Qarax ka samaysan kuwaas oo ku qarxay kadib markii ka xumaatay farsamada waxaana halkaa ku naf waayay labadii nin ee qarax qorshaynayay kuwaas oo miinadii maleegayeen la kacday.

Ciidamada amaanka ayaa isla goobata Qaraxa ka dhacay ku qabtay sedax ruux oo falkaa lala xariiriyay hayeeshee waxaa iminka laamaha amaanka sheegeen in ay hayaan dad kale oo lala xariiriyay falkaa kuwaas oo wali baaritaano ku socdaan.

Dowlada Itoobiya ayaa waxaa ka jooga Dalka Soomaaliya Ciidama qayb ka ah ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM hayeeshee Itoobiya ayaa xariir fiican la leh Dowlada Soomaaliya waxa ayna qayb ka tahay Dowladaha Bariga Africa ugu amaanka adag.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com