Dhageyso: Xaalada Degaanka Nambar 50 Oo Xasiloon & Garab Ka Mid Ah Oo La Wareegay

0

dagaal-afmadowMuqdisho(AGGM) Degaanka No:50 ee gobolka shabeelaha hoose ayaa la xaqiijinayaa inay hadda xaaladiisu degan tahay isla markaasna ay la wareegeen dhinac ka mid ah kooxihii maalmihii la soo dhaafay ku hardameyey gacan ku haynta degaanadaasi,waxaana la sheegayaa in dhinacii kale ee ay ka baxeen markii laga awood roonaday.

Goobjoogayaal ku sugan degaanada N0 50 ayaa warbaahinta Allgalgaduud u sheegay in degaankaasi laag saaray gudoomiyhii degmadaasi Cabdilaahi Waafow iyo ciidamadii uu hogaaminayey oo maalmihi la soo dhaafay ku sugnaa degaanka N0 50,waxaana la sheegayaa inay hadda ku sugan yihiin banaanka degaanada n0 50.

Goob-joogahan ayaa shaaciyey in laga awood batey ciidamadii maamulka degaankaasi,waxaana uu sheegay in dagaalo culus oo saacado badan qaatey ka dib degaankaasi awood looga saaray kuwii maamulka isla markaasna ay hadda maamulayaan ciidamo beeleed halkaasi la wareegay.

Ugu dambeyntii dagaaladan ayaa ahaa kuwo maalmaha ka taagnaa halkaasi isla markaasna dhinacyada ku dagaalamayey iska dileen dad badan oo labada dhinac ka soo kala jeeda,waxaana la sheegayaa in xaaladu hada tahay mid xasiloon inkastoo ay duleedka degaankaasi wali ku sugan yihiin ciidamadii laga saaray.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga…

Halkaan Ka Dhageyso Warka1

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com