Top News: Taliyaha Cusub Ee Ciidamada AMISOM Oo Maanta Si Rasmi Ah Xilka Ula Wareegay.

0

taliye-cusub_amisom_2Muqdisho (AGGM): Waxaa maanta si rasmi ah xilka taliyaha guud ee ciidamada AMISOM ula wareegay taliye cusub oo dhowaan loo soo magacaabay kaasoo u dhashay wadanka Burundi.

Jen Gen Silas Ntigurirwa oo ah taliyaha cusub ee AMISOM ayaa badallay Gen Andrew Gutti taliyihii hore oo u dhashay wadanka Ugandha kaasoo mudo dheer hogaaminayey taliska ciidamada guud ee AMISOM oo ka kooban wadamada Ugandha, Burundi, Jabuuti, Keenya iyo Siiralyoon.

Munaasabad lagu qabtay xarunta AMISOM ee xerada Xalane ayaa maanta taliyaha hore wuxuu xilka ku wareejiyay sarkaalka cusub ee ka yimid wadanka Burundi iyadoo munaasabadaasina ay ka soo qeybgaleen wasiirka difaaca Soomaaliya C/kariin Xaaji Maxamuud Fiqi, wasiirka difaaca Burundi, danjirayaasha Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub oo dhammaantood taageera hawlgalka AMISOM.

Xaflada ayaa taliyihii hore ee AMISOM Gen Andrew Gutti wuxuu ku faahfaahiyey waxyaabihii u qabsoomay isagoo sheegay in dagaalka Al Shabaab ay kula jiraan weli fari ka qodneyn halka gobollo badan laga saaray.

Taliyaha cusub ee xilka maanta la wareegay Gen Silas Ntigurirwa oo isaguna ka hadlay xil wareejinta ayaa sheegay in Dawlada Federaalka Soomaaliya uu ka codsanayo inay la shaqeyso, isla markaana ay si wadajir ah ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada ay wada wajihi doonaan dagaalka lagula jiro Al Shabaab iyo Al Qaacida.

Taliyaha cusub ayaa dhanka kale ku baaqay in Qaramada Midoobay ay meelmariso ballanqaadkii ku jiray Qaraarkii u dambeeyay ee AMISOM loogu ogolaaday isticmaalka 12 diyaaradood oo nooca helicopters-ka ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com