Xog Dhab Ah: Wasiiro Ka Tirsanaa Xukumadii Saacid Oo Dib U Soo Laabanaya ( Magacyadooda)

0

wasiirada-soomalaiyaMuqdisho(AGGM) Sida uu warbaahinta Allgalgaduud u xaqiijiyey masuul ka tirsan dawlada federaalka ah ee Soomaliya isla markaasna ka hawlgala Xafiiska Warfaafinta ee Madaxweynaha ayaa u xaqiijiyey inay soo laaban doonaan dhawr wasiir oo ka tirsanaa Xukumadii Cabdi Faarax Shirdoon.

Wasiiraddan ayaa ka mid ahaa xubinihii ay isku khilaafeen Madaxweynaha Iyo Raislawasaarihi hore ee Cabdi Faarax Shirdoon,waxaana la xaqiijinaya in xubnahaas hadda uu wato Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee Soomaaliya isla markaasna doonayo inay dib ugu soo laabtaan liiska golaha wasiiradda ee la soo dhisi doono.

Xubnaha soo laaban doona waxaa ka mid ah:

  1. Foosiya Yuusuf  Xaaji Aadan ( Wasiiradii Arrimaha Dibedda & Xirirka Calamiga ah ).
  2. Dr Maryan Qaasim                     ( Wasiiradii Adeega Bulshada Iyo Caafimaadka )
  3. Cabdikariim Xasan Guuleed  ( Wasiirkii Arrimaha Gudaha Iyo Amniga )
  4. Faarax Cabdulqaadir              ( Wasiirka Madaxtooyada Ahna Gacan yaraha Madaxweynaha)
  5. Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ( Wasiirka Gashaandhiga dawlada federaalka ah)

Wasiiradan ayaa la sheegayaa in qaarkood meelo kale loo magacaabayo isla markaasna laga bedelayo wasaaradahaa ay joogeen,waxaana la sheegaya in arrintaasi ay hadda si dardar leh uga socoto xafiiska Madaxweynaha isla markaasna lagu doonayo in Raisalwasaaraha cusub loo gudbiyo liiskood.

Wasiiradan oo ahaa kuwii buuqa badan ka dhashay isla markaasna u burburtey xukumadii Shirdoon haddii ay soo laabtaan waxaa cadaanaysa in dalku gacanta u galay koox dimeedka Daamul Jadiid oo doonaya inay masiirka soomaaliyed marba dhanka ay doonaan u jeediyaan.

Ugu dambeyntii waxaa soo dhisida Golaha wasiiradda cusub ka horeya Ansixinta Raisalwasaaraha dawlada federaalka ah ee Soomaaliya oo lagu wado in maalmaha soo socda baarlamaanka la horgeeyo isla markaasna ay codka kalsoonida siiyaan ama u diidaan inkastoo ay ku xidhan tahay ansixinta raisalwasaaraha in dhaqaale la bixiyo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com