XOG: Musharax cusub oo si lama filaan ah qaybta sare ee tartanka RW Soomaaliya logu jiro ku soo galay.

0

Iyada oo maalmihii u danbeeyey xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya uu ku mashquulsanaa xulitaanka qofkii hoggaamin lahaa xukuumadda cusub ee Soomaaliya ayaa warar ku dhaw Xafiiska Madaxweynaha sheegayaan in hadda gacanta Madaxweynaha ay ku soo hareen laba Musharax oo keliya laakiin, Madaxweynuhu aanu weli go’aan ka gaarin midka noqonaaya Raysalwasaare.

Inkastoo  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh maxamuud u soo gabagabeyay dhagaysiga Musharaxiinti u tartamaysay qabashada Xilka Raisalwasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa manta mar qura dar dar culus la soo baxay Musharax  Dr Axmed Farax Ducaale oo asagu in mudo ah si hoose u waday ole olaha uu ugu jiray qabashada Xilka Raisalwasaarha Soomaaliya.

Musharax  Dr Axmed Farax Ducaale waa Aqonyahan ahna Siyaasi ruug cadaa ah oo in ka badan 40 sano ku noola Qaarada Yurup qaas ahaan Wadanka Danmark.

Sida la soo sheegayo Musharax Musharax  Dr Axmed Farax Ducaale waxaa uu garab weyn ka haysta qaar ka mid ah la taliyeyaasha qaaska ah ee Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud  qaas ahaan kuwi horay u keenay Raisalwasaarihi  hore Dr Abdi Farah Shirdoon Saacid.

Musharax  Dr Axmed Farax Ducaale ayaa inta uu ku noola wadanka Denmark waxaa uu ka soo qabtay shaqooyin Dowladeed iyo mid shacab waxaana ka mid ahaa meelaha uu ka soo shaqeeyay.

Professional Experience

Year                    Employer  &  Responsabilities

2006 – 2012             Copenhagen Local Government Senior Staff recruitment
officer, coordination officer of the Regional
Public & Private
sectors’ Regional development  efforts.

1985 – 2006             Own Private business Consultancy CEO
Project consultant for DANIDA
External Lecturer at the
Defence Academy (Socio Politics of Africa)
Termo Transit of Norway
N & K Denmark

1982-1990               External resource person for training DANIDA’s (Danish
Foreign Ministry) experts to
Africa.

1973 – 1985             Mærsk Line + Aalborg Portland Chief Officer, Master

Xarunta Villa Soomaaliya  ee fadhiga u ah Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa waxaa hada ka socda kala saaritaanka labada musharax ee hada iskugu soo haray  wareega ugu danbeyay ee tartankii logu jiray  qabashada Xilka Raisalwasaaraha 16naad ee Somalia.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud  ayaa waxaa la soo sheegaya in u soo magacaabi doono Raisalwasaaraha Soomaaliya ka dib marka uu ka soo labto Booqasho gaaban oo uu ku tagi doono Magaalada Nairobi ee Xarunta Wadanka Kenya waxana sida aan xogta ku helayno u kala dooran doona  labada Musharax ee hada iskugu soo hartay wareegi ugu danbeyay.

Waxaa la filayaa in ugu danbeyn maalinta Jimcada ah lagu dhawaaqo Raysalwasaaraha cusub, inkasta oo uu ka dib dhici karo sida lagu bartey jiitanka siyaasadda Soomaaliya.

dr