War-Saxaafadeed: Midawga OYSU Wuxuu si’ Kulul Ucambaareen Borobagaandada & Riwaayadda Jigjiga ee Lagu Doonayo in Lagu Marin-habaabiyo Beesha Caalamka.

0

aminkaWar saxaafadeed, Tuesday, 10 December 2013:Midawga Dhalinyarada & Ardayda Somalida Ogadenya ee OYSU wuxuu si xooggan u cambaaraynayaa gumaysiga Ethiopia & olalaha borobagaando ee maalmahan ka socda Magaalada Jigjiga, taasoo loogu talagalay in lagu marin-habaabiyo bulshoweynta caalamka, islamarkaana lagu doonayo in laga bixiyo sawir khaldan gumaadka & xasuuqqa kasoconaya dalka Ogadenya.

Guud ahaan gayiga Ogadenya waxaa kajira dhibaatooyin baahsan oo dhamaan Gobolada, Dagmooyinka iyo Tuulooyinka wada saameeyay, dhibaatooyinka oo ah kuwo ay ciidamada gumaysiga Ethiopia ugaysteen dadka shacabka ah ee Ogadenya ayaa isugu jira dil, dhac, kufsi iyo xadhig.

Taniyo intii maamulka magac uyaalka ee Jigjiga lagu amray qabashada waxaa loogu magacdaray “Maalinta Qawmiyaddaha” Ethiopia ayaa waxaa kor usii kacay falal-dambiyeedka loo geesanayo shacabka.

Dalkoo laga mamnuucay dhamaan saxaafadda iyo indhaha bulshada caalamka taniyo sanadkii 2007 ayaa iminka lagu soo rogay bandoo meelo kamid ah dalka sida magaalada Jigjiga.

Sidoo kale, waxaa jeelka wayn ee looyaqoono Jeel-Ogaadeen lagu laayay dad gaadhaya 30 qof oo maxaabiis ah todobaadkii la soodhafay, waxaana dhamaan qasab looga dhigay shacabka iyo shaqaalaha maamulka kililka in isa soo jaajuusaan isla mar ahaantaana qofkii laga shakiyo dil iyo xabsi lagu fuliyo.

Tuulooyinka iyo baadiyaha Ogadenya oo 93% shacabku kunoolyahay ayaa kamida goobaha.sida ba’an ciidanka gumaysigu ooga gaystay xasuuq wadareedka daahsoon, islamar ahaantaana boob iyo baabi’ la isgu daray hantidii shacabka oo la dhaco.

CAMBAARAYN

Midawga Dhalinyarada & Ardayda Ogadenya OYSU wuxuu si’ kulul ucambaareen joogidda sharci darada ah ee gumaysigu kujoogo dalka Ogadenya.

Fal-dambiyeedyada joogtada ah ee uu kuhayo shacabka aanan waxba galabsan ee Ogadenya.

Sidoo kale wuxuu Midawgu cambaareen borobagaandada marin-habaabsan ee uu kusoo bandhigay magaalada Jigjiga.

Wuxuu kaloo cambaareen Midawgu gaboodfallada gumaysi-kalkaalka & hawaarinta Liyuu ay kafulinayaan gabi ahaanba dalka Ogadenya.

Midawgu wuxuu cambaareenayaa kuwa udhashay Ogadenya ee kugarabsiinaya gumaysiga & Gumaysi-kalkaalka xasuuqqa shacabka si’ ay ugaadhaan danno shaqsiyadeed oo aan aragti dheer ku salaysneen.

Sidoo kale, wuxuu Midawgu cambaareen kulul dusha ooga tuuri madaxda Somaliyed ee tartanka oogu jira garab-fadhiga gumaystaha ummadda Somaliyeed ee kudhaqan Geeska Afrika.

Midawgu wuxuu markale si’ buuxda ucambaareen bulshada caalamka ee ka aamussan gaboodfallada, gumaadka, qaxinta, dilka, kufsiga, dhacca, xidhayga iyo silcinta soo jireenka ah ee Ethiopia badday shacabka dulman ee Oggadenya.

Midawgu wuxu markale si buuxda u cambaraynaya Saxaafada u adeegto cadowga umada somaaliyeed ee Ethiopia.

BAAQ

Midawga OYSU wuxuu ugu baaqayaa bulshada caalamka in tilaabo deg deg ah qaadaan, joojiyaana xasuuqqa qarsoon ee ka jira Ogadenya.

Midawgu wuxuu oogu baaqi bulshada caalamka in ay kahadlaan fal-dambiyeedyada, isla markaana dabagal buuxda kusameeyaan gumaadka ba’an ee kajira Ogadenya.

Midawgu wuxuu sidoo kale oogu baaqi hay’daha xuquuqul insaanka & kuwa samafalka sida ICRC, MSF iyo Human Right Watch inay tagaan dhamaanba dalka Ogadenya gaadhsiiyaanna gaargaar deg deg ah si loo daboolo baahida balaadhan ee malaayiinta rayidka ah haysato gudaha Ogadenia

Midawga Dhalinyarada & Ardayda Ogadenya wuxuu oogu baaqi dhamaan dalalka deeqda bixiya inay ka joojiyaan Ethiopia deeqda bini aadamnimo ee lagu xasuuqqayo shacabka aanan waxba galabsan ee Ogadenya.

Sidoo kale wuxuu Midawgu oogu baaqi saxaafadda caalamka in ay tagaan dalka Ogadenia ee gumaysigu go’doomiyay, caalamkana usoo bandhigaan dhibka & rafaadka lagu hayo shacabka dulman ee Ogadenya.

Midawgu wuxuu kaloo oogu baaqi gumaysiga Ethiopia in si’ shuruud la’aan ah ku siidaayo dhamaan maxaabiista kumanaanka dhaaftay ee dambi la’aanta ooga buuxa Jeel-Ogaadeen.

Sidaa si’ lamida, wuxuu Midawgu oogu baaqi dhamaan maamullada dawakhsan ee Somaliyeed inay kawaantoobaan u adeegga gumaysiga, joojiyaanna kaganacsiga shacabka la dhashay ee S.Ogadenya.

BOGAADIN

Midawga OYSU wuxuu usoo jeedin bogaadin & amaan qoto dheer shacabka gobanimadoonka ah ee udhabar adaygay halganka ayku xorayn dalka Ogadenya.

Sidoo kale, wuxuu Midawgu mahadnaq, bogaadin & amaan balaadhan ugudbin Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenya ee ah geesiyada & soomajeestayaasha, ciiddana ooga dhaartay gumaysigu inuu salka dhigo.

Wuxuu Midawga OYSU bogaadin & amaan xooggan usoo jeedin hoggaaminta & madaxda halganka shacabka Ogadenya ee JWXO hormuudka katahay ee lagu higsan xornimo taam ah iyo hanashada aayo-katashiga shacabka.

Bogaadintaa mid lamidda wuxuu Midawgu usoo jeedin dhamaan saaxiibbada shacabka & qadiyadda Ogadenya la garabtaagan hiiliyo hoo.

Dhalinyarada & Ardayda Ogadenya
Ogaden Youth & Students Union
OYSU

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com