Top News: Mareykankan Oo Warbixin Cusub Ka Soo Saaray Weerarkii Westgate.

0

WESTGATENew York (AGGM): Warbixin ay soo saareen waaxda Police ka New York ayaa uga hadashay qaab ka duwan macluumaadkii iyo waxyaabihii ay ka bixiyeen hay’adaha amaanka ee dalkani Kenya .

Warbixintan ayaa ugu horayn cadaysay in ragii weerarka ka fuliyay Westgate ay ahayeen 4 ruux oo kaliya isla markaasina hubaysan .

Warbixinta ay soo saartay waaxda Police ka New York ayaa sidoo kale muujinaysa in ragii weerarka ku qaaday Westgate ay suuragal tahay inay baxsadeen dhamaantood  .

“Lama oga  in argagixisada la dilay ama ay ka baxsadeen dhismaha ayay leedahay Warbixinta ay soo saarta waaxda Police ka New York .

Waxay sidoo kale warbixintu leedahay in guul darada ka timid in dhamaan dhismaha la isku gadaamo ayaa suura galin karta in ragii weerarka fuliyay ay baxsadeen .

Warbixinta ayaa hoosta ka xariiqday in raga weerarka ka gaystay Westgate aysan jirin dad ay afduub u haysteen islamarkana u jeedadooda ay ahayd in inta u suura gasha ay dilaan .

Sida ka muuqata Vidiyooga ayay warbixintu loodahay raga wax tooganayay inay dad laayaan uunbay ahayd u jeedkooda ee ma ahayn inay dad afduubtaan.

Warbixinta ay soo saarta waaxda Police ka New York ayaa ah mid ku qotonta baarid ay weerarkaasi ku sameeyeen waaxda la dagaalanka argagixisada ee Maraykanka .

Raga weerarka ku qaaday xarunta ganacsiga westgate 21 bishii Sep ayay warbixintu xustay in sadax banbaano ee ugu horeeyay wixii ka danbeeyay ay u isticmaaleen dadkii ay laaynayeen qoriga nooca AK47.

Warbixin ay soo saartay waaxda Police ka New York ayaa si wayn uga duwan warbixinadii ay soo saareen laamaha amaanka ee dalkani Kenya marka la eego tirada weerarka fulisay inay dhinteen iyo in kale iyo taatikadii ay ragaasi isticmaaleen .

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com