Nin Ka Tirsanaa Maamulka Dekedda Kismaayo Oo Xalay Lagu Dilay Magaaladaasi.

0

WarbixinKismaayo (AGGM): Mas’uul ka tirsanaa maamulka dekedda Kismaayo ayaa xalay salaaddii maqrib kaddib lagu dilay Kismayo oo xarun u ah gobolka Jubbada hoose.

Rag bistoolado ku hubeysan ayaa mas’uulka oo lagu magacaabi jiray Macallin Axmed ku dilay suuqa Aargada, xilli uu ka soo baxay masaajid uu ku soo tukaday salaaddii maqrib. Wuxuu ka tirsanaa waaxda canshuuraha ee dekedda Kismaayo.

Ragga dilka geeystay ayaa sidoo kale dhaawacay mid ka tirsanaa maleeshiyaadka maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ka hor intii aanay goobta ka baxsan, sida uu ku soo warramayaan dadka qaar ka mid ah dadka magaalada Kismaayo.

Horjoogeyaasha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni weli kama aysan hadlin dhacdada.

Isku soo wada duuboo Howlgallo ay sameynayeen ayaa xalay ka socday suuqa Aargada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com