Top News: Madaxda Aduunka Oo Ku Qul qulaya Ka Qeyb Galka Baroordiiqda Nelson Mandela.

0

mandelaaJohannesburg (AGGM): Kumanaan ruux ayaa ku qul qulaya garoonka kubada cagta ee Johannesburg, halkaasoo la geyn doono naxasha lagu sido Meydka Madaxweynihii hore ee Koofur Afrika Nelson Mandela.

Baroor diiqda loo sameynayo Hogaaminayahan ayaa waxaa ka qeyb galaya madax ka socota Caalamka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama.

Xuskan ayaa waxaa ka qeyb geli doonta 95-kun oo ruux oo xaadir ku noqoneysa Garoonka FNB, halkaasoo ah meeshii ugu dambeysay ee fagaare Mandelo uu yimid sanadkii 2010 , xilligaasoo la qabanayay Koobkii Aduunka.

Baroor diiqan iyo tacsida ayaa noqoneysa tii u horeysay taariikhda ka dhacdo caalamka, Meydkiisa ayaa la dhex dhigi doonaa muraayad weyn oo dadka ay ka dhex arki karaan garoonka dhexdiisa

Madaxweynihii u horeeyay ee Koofur Afrika oo madow ah Nelson Mandela ayaa ku geeriyooday da’da 95 maalintii Khamiistii ee la soo dhaafay.

Madaxda ka qeyb geli doonta xuska baroor diiqa ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha Maretkaka Barack Obama iyo Xaaskiisa, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon, Madaxweynaha Cuba Raul Castro, Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande, Ra’iisul Wasaaraha Britain David Cameron, Madaxweynaha Brazil Dilma Rousseff iyo Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe.

Kumanaanka ruux ee ka qeyb galaya xuska baroor diiqa ayaa wata calanka Koofur Afrika, Sawirka Mandela, iyagoo qaadaya suugaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com