Bayaan: Odayaasha Beesha Cayr Oo Kalsoonida Kala Laabtay Wasiirka Arrimaha Gudaha.

0

odayGuriceel (AGGM): Odayaal iyo Waxgarad ka soo jeeda Beesha Cayr oo ku shiray Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud aya Bayaan ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in ay Kalsoonida kala laabteen Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumaddii Ra’isal Wasaare Saacid ee ay kalsoonida kala noqdeen Baarlamaanka Soomaaliyeed.

Nabdoonadaan ayaa Bayaankooda waxa ay ku sheegeen C/kariin Xuseen Guuleed uu aad u daba dhigtay danaha Beesha iyo dadkeeda.

“ Intii uu wasaaradaan Maamulayay oo kaliya waxaa beesha laga xiray ku dhawaad 40 qof oo aan la ogeyn waxa ay galabsadeen” ayaa lagu yiri Bayaanka.

Odayaasha ayaa dowladda Soomaaliyeed ka cosaday in iyadoo eegeysa Kalsoonida Beesha Cayr ay ka heesato aan la soo celin C/kariin Xuseen Guuleed.

Bayaanka Odayaasha Cayr ee ku shiray Guriceel ayaa waxaa ku Saxiixnaa Odayaasha kala ah.

1: Nabadoon Xuseen Cali Cilmi

2: Nabdoon Cilmi Xaashi Carab

3: Nabadoon C/qorrax Cali Afrax\

4: Nabadoon Sabriye Xuseen Wehliye

5:Nabadoon Salaad Cismaan Cali

6:Nabadoon Max’ed Colaad Sabriye iyo kuwa kale

Bayaankaan ayaa nuqul ka mid ah ay sheegeen Odayaashu in ay u direen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’ud.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com