Jarmalka Iyo Masar Oo Safiiro U Soo Magacaabay Soomaaliya Lagana Gudoomay Aqoonsigoodi (Sawiro)

0

safiro_qaabilad_3Muqdisho(AGGM) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa manta ka aqbalay warqadaha aqoonsiga Ambassador Andreas Peschke oo noqonayo Safiirka cusub ee u qaabilsan dowladda Jarmalka dalka Soomaaliya, iyo Ambassador Mahmoud M. Auf oo ah Safiirka u fadhin doono dowladda Masar dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Safiiradan si kala gaar ah maanta ugu qaabilay Xarunta Madaxtooyada, isagoo Madaxweynuhu soo dhoweeyay Safiiradan dalalka Jarmalka iyo Masar oo uu sheegay inay taageeraan dowladda Soomaaliya.

“Soomaaliya waxey ka faa’ideysatay mashaariic ay dowladda Jarmalka ka her gelisay Soomaaliya.Jarmalka wuxuu taageraa tababarka ciidamadda Soomaaliya ayaga oo usoo mariyo EUTM. Ciidamadda amnigana waxey helaan tababar heer-sare ah”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xiriir wanaagsan oo qoto dheer uu ka dhaxeeyo Soomaaliya iyo Jarmalka.

“Waa la arkaa in uu amniga fiican yahay madaama uu ganacsiga kor u kacay, Mar dhaw waxaan jecel nahay in aan ku tartano suuqyadda Yurub anaga oo suuq geyn doono wax yaabo kala duwan oo ka mid yahay Muuska”ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale Madaxweynaha oo la kulmay Safiirka Masar ay u soo magacawday Soomaaliya ayaa sheegay in xiriir taariikhi ah uu ka dhaxeeyo labada dal.

“Labadeena dal Soomaaliya iyo Masar waxey fursad u yeesheen in ay lahadaan xiriir dheer oo qarniyo so jiray, Dowladda Soomaaliya wey soo dhaweyneysaa waxaana daneynaaa in aan ka wada shaqeeyno xiriirka amniga iyo kan diblomaasiyeed”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu danbeyn, madaama aminga Soomaaliya u sii hagaagayo iyo Soomaaliya oo ku soo noqotay beesha caalamka, dalal badan ayaa bilaabay in ay xiriirkii ay la lahaayeen Soomaaliya in ay dib usoo celiyaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

safiro_qaabilad_2safiro_qaabilad_3safiro_qaabilad_1