AMISOM Oo Ka Hadshay Qarax Uu Ku Geeriyooday Askari Ka Tirsanaa Askartooda.

0

amisomMuqdisho (AGGM): Warsaxaafadeed ay soo saareen taliska ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in hal askari oo Jabuutiyaan ah uu geeriyooday, halka labo kalena ay dhaawacmeen kadib qarax ka dhacay Magaalada Beladweyne.

Askariga geeriyooday iyo midka dhaawacmay ayaa waxa ay ka tirsanaayeen qeybta miino Baarista ciidanka Jabuuti ee ku sugan Magaalada Beladweyne, waxaana xilligan falkaan uu dhacaye ay kuguda jireen howlo miino Baaris ah.

AMISOM ayaa warka qoraalka ah waxa ay ku sheegtay in falkaan uu dhacay maalintii Jimcaha aheyd ee aan soo dhaafnay.

Madaxa ciidanka Midowga Afrika ahna Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Mohamed Salah Anadif ayaa ka tacsiyadeeyay geerida askarigaas, isaga oo kuwa dhaawaca ahna urajeeyay inuu eebe caafimaad siiyo.

Bishii aan soo dhaafnay 19 ayeey aheyd markii weeraro iyo qaraxyo ay Shabaab ku galeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidanka Jabuuti iyo kuwa Dowladda federaalka Soomaaliya, halkaasi oo ay ku dhinteen dad shacab ah iyo ciidan Soomaali ah halka askarta Jabuutina uu hal askari kaga geeriyooday.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com