Top News: Dagaal Beeleed Ka Socda Mooyaale.

0

MoyaaleMooyaale (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Mooyaale ayaa waxa ay sheegayaan in Dagaal beeleed aad u culus oo geystay dhimashada dad badan in  illaa iyo haatan uu ka socdo Mooyaale ee xuduuda Kenya iyo Itoobiya halkaasoo labo maleeshiyo beeleed ay isku hayaan.

Dagaalkan ayaa waxa uu  qarxay 30kii bishii dhamaatay illaa haddana socda iyadoo aaney jirin cid kala dhexgashay labada maleeshiyo beeleed oo isku heysta doorashadii u dambeysay ee ka dhacday Kenya oo labada beeleed rag ka tirsan ay ku murmeen kuraasta degmooyin ay ku jirto Mooyaale.

Dhimshada illaa hadda la soo sheegayo ayaa gaareysa 30-meeyo ruux halka dhaawac aan la heyn tiradiisa uu jiro.

Dhinaca kale wacxa jira Barakac xoog leh ayaa ka socda magaalada Mooyaale, waxaana qoysaskii deganaa magaalada iyo tuulooyinkii ku dhowaa ay u tallaabeen dhinaca wadanka Ethiopia halkaasoo magangelyo ay weydiisteen Ethiopia.

Odayaal ka soo jeeda deegaanka Mooyaale ayaa ku eedeeyay dawlada Kenya inay wax ka qaban weysay labada maleeshiyo ee dagaalkoodu khasaraha badan sababay, isla markaana ay dhexdhexaadin weysay.

Isku soo wada duuboo wararka ugu dambeeya ayaa sheegaya in dagaalkan uu xoogeystay ka dib markii wadahadal la doonayey in qaab qabiileed loogu dhexgalo labada beelood uu ku soo dhamaaday fashil.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com