Top News: Beelaha Banaadirga Oo Digniin U Diray Gudoomiye Tarsan.

0

tarsan1BEELAHA BANAADIRIGA SOOMAALIYEED Muqdisho-Somalia
Tr. 07/12/2013 Muqdisho

WARSAXAAFADEED

Ujeeddo: JAWAAB KU SOCOTA MAAMULKA GOBALKA BANAADIR

Shir loo dhan yahay oo ay maanta Mag. Muqdisho ku yeesheen waxgaradka, Culimaa’diinka, Aqoonyahanka, Siyaasiinta iyo odayaasha Dhaqanka Banaadiriga waxaa lagaga dooday go’aan dhowaan ka soo baxay Maamulka Gobalka Banaadir, kaas oo degmooyinka ay reer Banaadir ka degaan Muqdisho lagu amray in ay guryahooda dagaalada ku dumay ku dhistaan muddo 3 bilood ah haddi kalena uu maamulka kala wareegi doono guryahaas.

Ka qeyb galayaasha shirka waxay ka wada hadleen go’aanka Maamulka Gobalka uu soo saaray kaas oo si godob ah loogu beegsaday beelaha Banaadiriga oo ah beelo si arxan darro ah loo dulmiyay, tanina ay tahay dhibaato hor leh oo loo geysanaayo Reer Banaadir.

Bulshada Banaadir ee shirtay waxay isku waafaqeen in maamulka Gobalka Banaadir la xasuusiyo:

1. In Dadka Reer Banaadir aysan guryaha iyaga iska duminin, balse laga dumiyey, dadkoodii lagu laayey, haweenka lagaga kufsaday, dhammaan wixii agab u yaallayna laga qaatay, taas oo keentay in ay ka cararaan guryahooda.

2. In Guryaha iyaga oo dunsan dadka laga heysto oo lagaga doonayo dhaqaale baad ah oo qofkii gurigiisa doonaayo uusan iska dhisan Karin illaa uu kumanaan doolar siiyo maleeshiyo beeleedyo hubeysan oo guryaha xoog ku heysto.

3. In Maamulka Gobalka Banaadir uusan marna isku hawlin inuu wax ka qabto dadka guryaha laga heysto.

4. In dadkii guryaha ka cararay xilli waalidkood lagu hor dilay, gabdhahooda iyo xaasaskooda lagu hor kufsaday, wixii ay lahaayeenna laga qaatay ay adag tahay in ay sahal ugu soo laabtaan meeshii dhibkaas loogu geystay, xilli kuwa dalka ku haray loola dhaqmo sida in aysan muwaadiin Soomaaliyeedba aheyn.

5. In Beelada Banaadiriga aysan Maamulka Gobalka banaadir ku laheyn xubin shaqaale ah, sida dekkedda, Garoonka Diyaaradaha iyo Xafiisyada kale ee gobalka, kuwaas oo beeshu ay Xaq u leedahay in laga shaqaaleeyo.

Sidaas darteed, Beelweynta Banaadiriga iyaga oo isku duuban, waxay Maamulka Gobalka Banaadir ka codsaneysaa:

1. In uu maamulka ka laabto go’aanka Naxdinta leh ee sida godobta ah loogu beegsanayo deegaanada Reer Banaadir ay Muqdisho ka degan yihiin, Raalligelina ka bixiyo hadalkaas.

2. In Maamulka Gobalka uu isku hawlo in dadka reer Banaadir guryahooda uga saaro dadka ka heysta, halka lagu fikiri lahaa in dhibaato hor leh loo geysto qofka dulman.

3. In Ummaddan la dhibaateeyey aan lagu soo saarin go’aano damqiya Xanuunkii ay ku reebeen tacadiyadii loo geystay.

Wabillaahi Towfiiq

Guddoomiyaha Midowga dhalinyarada Reer Banaadir.
Md. Cumar Shariif Jeeg

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com