Xildhibaan Xuubsireed Oo Iska Casilay Xubinnimadi Xildhibaanada Ee Beelaha Mudug Ay Siiyeen.

0

xuubsireedGaroowe (AGGM): Wararka naga soo gaaray Magaalada Garoowe ayaa waxay sheegayaan in Afhayeenkii hore ee Madaxwayne Cabdullahi Yuusuf ee Dowladii Federaalka Soomaaliya, Haatana ah Madaxa Hay’ada daryeelka Puntland, Xildhibaan Xuseen Xuubsireed uu galabta shir jaraa’id ku qabtay aqalka uu ka degenyahay Magaalada Garoowe ee caasimada Soomaaliya ee Puntland.

Xildhibaan xuubsireed ayaa shirkiisa jaraa’id wuxuu ku sheegay in gabi ahaanba uu ka tanaasulay xubintii Xildhibaanimada ee Beelaha Gobolka Mudug ay horey u siiyeen  29/10/2013. Xildhibaanka ayaa ku sheegay tanaasulkaani inuu ku salaysanyahay mid shakhsiyan ah, wuxuuna u mahad celiyay dhamaan isimadii iyo nabadoonadii gobolka Mudug ee kalsoonida siiyay, iyo dhamaan dadkii ku taageeray xubintaas Xildhibaanimo.

Mar wax laga waydiiyay waxa ku kalifay inuu xiligaan oo lagu jiro soo xulida xildhibaaanada Dowlada Puntland tanaasul iyo iscasilaad kuna dhawaaqo ayuu wuxu kaga jawaabay ”in Xubintaan aan cidina ku haysan, wax culays ah oo kaga yimid dhinaca beelaha ahna aysan jirin, oo dhamaan Nabadoonadii beesha iyo Isimkoodii Amiir Maxamuud Yuusuf ay soo wada saxiixeen, ay tahayna arin dhamaatay, balse hadana go’aankaasi yahay mid shakhsiyan ah, oo isaga ku kooban.

Xuubsireed ayaa ugu baaqay inay xildhibaanada Puntland haatan isu soo sharaxaya ay muujiyaan isu tanaasul, golaha baarlamaanka Puntlandna looga baahanyahay oo kaliya 66 xubnood dadka oo dhana aysan wada noqon karin Mudane Baarlamaan.

Isimada Puntlandna wuxuu ugu baaqay inay wada shaqayn muujiyaan, Isim Isim kale ka fadli badana uusan jirin, isaga oo tusaale usoo qaatay Isimada Gobolka Mudug oo looga baahanyahay inaysan horseedin caqabad bulshada dhexdeeda ah, balse looga baahanyahay inay wada tashi iyo wada shaqayn muujiyaan, uguna adeegaan bulshada dooratay ee caanaha ku shubtay si xilkasnimo leh oo ay ka fogaadaan isku qabsiga xulida xubnaha Baarlamaanka ee Gobolka Mudug uga qayb galaya Dowlada dhex ee Puntland.

Gobolka Mudug dib u dhac dhinaca dhaqanka ah ayuu ku tilmaamay iyo in ay jirto wada shaqayn la’aan Isimada Gobolka Mudug qaarkood. Qaybsiga xubnaha xildhibanada waxa uu ku tilmaamay inay noqoto meerto beelaha dhexdooda ah, Cadaalada hadaan laga fogaan waa bur bur iyo in lakala tashado ayuu yiri.

Waxa muuqda ee Gobolka Mudug dib u dhigayna waa cadaalad daro, cid kale ma eedi karaan, walina waxaad moodaa inay cadaalad daradii socoto oo waliba ka imaanaysa Isimada Dhaqanka Gobolka Mudug qaarkood, bushadiina ayba iyagu qeyb ka yihiin dhankooda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com