Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ka tacsiyadeeyey Geerida Gudoomiyaha Gudiga Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka…WARSAXAAFADEED

0

Sawirka-Xildhibaan-FeysalMuqdisho(AGGM)Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Allaha u naxariistee Gudoomiyaha gudiga Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Warsame Feysal oo maanta ku geeriyooday qarax ka dhacay magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, waxaa isoo gaaray war naxdin leh oo ku saabsan geerida walaalkeen Maxamed Warsame Feysal oo ahaa Gudoomiyaha Gudiga Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka Soomaaliya ugu horeyn waxaan doonayaa in anigoo ku hadlaya magaceyga,magaca gudoonka Baarlamaanka iyo magaca Xildhibaannada Golaha Shacabka aan ka tacsiyadeeyo geeridaasi naxdinta leh”

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in hay’adaha ammaanka oo hada wada baaritaan ku aadan qaabka uu u dhacay qaraxa Xildhibaanku ku geeriyooday laga doonayo iney soo saaraan natiijo rasmi ah oo ay ku qanci karaan Golaha Shacabka iyo shacbiga Soomaaliyeed sida ugu dhaqsiyaha badan.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Alle uga baryey Xildhibaan Maxamed Warsame Feysal inuu siiyo naxariistiisa jano,sidoo kalena qoyskiisa,xildhibaannada iyo guud ahaanna shacbiga Soomaaliyeed inuu samir iyo iimaan ka siiyo.

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

—DHAMAAD—

 Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka

Media & Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so