War Deg Deg Ah: Qarax Lala Beegsaday Kolonyo Uu La Socday Axmed Madoobe

0

Breaking_NewsKismaayo(AGGM) Waxaa hadda ka dhacay wadada u dhexeya Magaalada Kisamayo iyo garoonka diyaaradaha,waxaana la sheegaya inuu qaraxaasi ahaa mid nooca dhulka lagu duugo,waxaana wararku sheegayaan in qaraxaasi uu khasaare ka soo gaarey ciidamo ka tirsan Maleeshiyaadka Raaskambooni.

Ciidamada Amisom iyo kuwa Maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa la sheegayaa inay baaritaano ka wadaa wadada u dhexeya magaalada Kismaayo iyo Garoonka Diyaaradaha,waxaana wararku sheegayaan inaysan ku guuleysan cidii qaraxaasi ka dambeysay,waxaana la shaaciyey inuu qaraxaasi khasaare ka soo gaarey maleeshiyaad ka tirsan kuwa raaskambooni.

Qaraxan oo ahaa nooca meelaha fog fog laga hago ayaa la sheegayaa inay ku geeriyoodeen dhawr askari oo ka tirsan Maleeshiyaadka Raaskambooni iyadoo tiro kalena ku dhaawacmeen qaraxaasi,waxaana wararku sheegayaan in inta dhaawacantay hadda lagu daawanayo isbitaalka ciidamada Amisom ee isbitaalka ku leh garoon ka diyaaradaha.

Ugu dambeyntii Magaalada Kismaayo ayaa ah meel inta badan ay ku hardamaan Maleeshiyaadka Raaskamboobi iyo kuwa Alshabaab iyadoo in badan ay ka dhacaan qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo labada dhinac ka fuliyaan Magaalada Kisamayo isla markaasna lagu bartilmaameedsado dadka shacabka ah iyo waxgaradka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com