War Deg Deg Ah: Qarax Khasaare Badan Sababay Oo Hadda Ka Dhacay Bosaso

0

Breaking_NewsBosaso(AGGM) Waxaa hadda bartamaha magaalada Bosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland ka dhacay qarax aad u weyn kaasi oo la aaminsan yahay inuu ahaa qarax gaari lagu soo xirey,waxaana löagu bartilmaameedsaday ciidamo ka tirsan kuwa shirkadda SARECAN ee ka hawlgalsha Puntland.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya, in gaari lagu soo xirey waxyaabaha qarxa uu ku dhacay gaari ay iska lahaayeen Ciidanka Badda ee Puntland ee ddka qaarkiis ugu yeeraan SARACEN, kadibna halkaas ka dhashey qarax weyn.

Qaraxa oo dhacay wax yar ka hor ayaa la sheegayaa in ay jirto dhimasho iyo dhaawac qaraxa ka dhashey, Isbitaalka guud ee magaalada Bosaso ayaa la gaarsiiyey dhaawacyo faro badan iyo dad ku dhintey isla goobtaas. Mid ka mid ah Hawlwadeenada isbitaalka Bosaso oo ka gaabsadey magiciisa ayaa Allgalgaduud u xqiijiyey in dhimashadu ka badan tahay 9, dhaawacuna uu ka badan yahay 20 qof.

Goobta Qaraxu ka dhacay ayaa ah meelaha ugu mashquulka badan magaaada Bosaso, waxaana ay kaabiga ku haysaa Suuqa iyo meheradaha waaweyn ee magaalada Bosaso.

Ugu dambeyntii Gaadiidka Gurmadka ayaa la sheegayaa inuu hadda ku mashquulsan yahay gurista dhaawaca iy meydka ka dhashay weerarkaasi,waxaana la sheegayaa in la aaminsan yahay in Xarakada Alshabaab ay weerarkaasi ka dambayso inkastoo aysan wali sheegan qaraxaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com