Top New: Maxamed C/llaahi Farmaajo “Waxaan Ka Codsanayaa Warbaahinta Wax Lagu Qoro Inay Joojiyaan Wararka Been Abuurka Ah Ee Aniga Igu Saabsan”.

0

farmaajo11War uu soo dhigay barta Facebook R/wasaarihi hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa waxa uu warbaahinta Soomaalida uga codsaday inay joojiyaan wararka been abuurka ah ee aysan jirin meel ay ka soo xigteen.

Qoraalka Mudane Farmaajo uu ku qoray barta Faceebook-giisa ayaa waxa uu u qornaa sidan “Waxaan ka codsanayaa warbaahinta wax lagu qoro in ay joojiyaan wararka been abuurka ah ee igu saabsan oo aysan jirin meel ay kasoo xigteen anigana kama hadal arimaha hada wadanka ka jira mahadsanidin”.

farta

Waxaa maalmahan leeysla dhexmarayay warar aan sugneed oo sheegaya in mudane Farmaajo loo soo magacaabayo R/wasaaraha Soomaaliya iyo warar kale oo aan isaga laga soo xigan oo lagu sheegay in uu mudane Farmaajo shuruudo adag ku xiray Madaxweynaha Soomaaliya.

Isku soo wada duuboo waxaa meesha  ka baxaya wararki ay maalmahan daabacayeen warbaahinta Soomaalida, islamarkaana qoraalka maanta uu Mudane Farmaajo ku soo qoray barta Facebook-giisa ayaa waxa ay muujinaysaa in lagu been abuurtay Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com