Xildhibaan C/laahi Maxamed Xirsi Qorax Kurisga Xildhibaanimo Ee Aad Ku Fadhido Adigu Malihid Ee Banee.

0

Qorax1Waxaan aad ulla yaabay amakaagna igu noqotay ka dib marki aan arkay sida Xildhibaan C/llaahi Maxamed Xirsi Qorax uu codki beesha ula barbar maray halki ay la doonayeen unna maleeyay kurisga Xildhibaanimo ee uu ku fadhiyo inuu isagu leeyahay balse hilmaamay in kursigaasi ay leeyihiin beelo dhan oo ka mid ah beelaha Soomaaliyeed.

Xildhibaan Qorax ayaa waxa uu ku takri falay hoowshi loo idmaday iyo codki beeshu lahayd, sidaa awgeedna waxaa haboon in isaga oo aan muran galin inuu Kursiga Xildhibaannimo ee uu ku fadhiyo baneeyo una soo celiyo beelihi wada lahaa si ay ugu dhiibtaan xilkaasi shaqsi ku haboon oo ka soo bixi kara waajibaadka saaran.

Waxaan kaloon doonayaa inaan su’aal weeydiiyo Xildhibaan Qorax taas oo ah “Shilimadi aad qaadatay makaa dhamaadeen mise weli waad heysataa”?

Xildhibaan Qorax magac iyo musiibaba maalin ayay baxaan ee bal maanta iga hoo magacii kugu haboonaa ee dadku kaa masuugayay in muda ah kaa oo ah “Xidlhibaan Ku Shubo”.

Gabagabadi waxaan baaq u dirayaa dhamaan beelaha Bah Ogaadeen aniga oo ugu baaqaya inay yeeshaan kulamo deg deg ah si ay u soo xushaan  shaqsiga badali lahaa Cabdullaahi Maxamed Xirsi Qorax “Xildhibaan Ku Shubo”.

Wabilaahi Towfiiq

Maxamed Saciid Faarax
Caabudwaaq, Soomaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com