Wafdi Ka Socda QM Oo Gaaray Magaalada Jowhar.

0

Philippe-LazzariniJowhar (AGGM): Iyadoo bishii aynu soo dhaafnayba dadka ku dhaqan gobolka Shabeellah dhexe gaar ahaan deegaannada hoos taga degmada Jowhar la tacaalayeen xaalado nolal xumo oo ka dhashay fatahaad uu sameeyay wabiga shabeelle iyo waliba colaad belleedyo in mudo ahba halkaa ka jira, ayaa waxaa maanta gaaray Jowhar wafdi ka socday QM.

Wafdiga gaaray magaalada Jowhar waxaa soo dhaweeyay xubno ka tirsan maamulka gobolka,oo waayadanba qeyllo dhaan ka dirayey xaaladda nolaled ee dadka gobolka ku nool.

Mas’uuliyiinta tagtay Jowhar waxaa hogaaminaya isku duwaha arrimaha bini’aadannimo ee QM, Philippe Lazzarini,waxana ujeeda socdaalkaasi lugu sheegay inay tahay si uu u qiimeeyo khasaaraha ka dhashay fatahaadda webiga Shabeelle.

Xubnahaan ka socda Qaramada Midoobay,waxaa ay isgu jiraan saraakil ka socota hay’addaha UNICEF, UNHCR, UNDP iyo UN OCHA ayaa ka mid ah xubnaha wafdiga uu hoggaaminayo Philippe Lazzarini.,waxana mudada ay halkaasi joogan qiimeen doonan khasaaraha fatahaadaha ay u geysteen beeralleyda deegaanka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com