Fadeexad: 11 Malyan Oo Dollar Ayaa Loo Adeegsaday In Raisul Wasaare Saacid Lagu Rido

0

Baarlamaanka_Soomaaliya_Somali_MP_Parliament_Jawari-Somalia_Keydmedia_Online-620x330Muqdisho(AGGM) Baarlamaanka Soomaaliya oo Sadex Maalmood ka doodayay Mooshiin qaar ka mid ah Xildhibaanada ay ka soo gudbiyeen Xukuumadda RW Cabdi Faarax Shirdoon, ayaa xilka ka qadaay Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ‘Saacid’.

Xildihibaannada Baarlamaanka Soomaaliya Shalay Kalsoonidii kala laabteen Ra’iisal Wasaare Saacid iyo golihiisa Xukuumadda. 249 Xildhibaan ayaa Codeyneysay, waxaana diiday 65 Xildhibaan, halka 184 ayaa Ogolaatay Mooshinka.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon ayaa Shalay sheegay inuu Aqbali doono go’aan walba oo kasoo baxa Kulanka Baarlamaanka, Haddaba Su’aasha taagan waxey tahay maxaa xiga doona? Yaa noqon doona R/Wasaare? Ma waxaa xigi doona in Madaxweyne Xasan Sheikh uu soo Magacaabo mid u qaada Jaakadda iyo Boorsada oo aan Madaxa kor u qaadin, marwalbanah Kabaha Hoos u fiirsha? Mise maadaama uu guuleystay oo uu ka adkaaday Kooxdii kasoo horjeeday, in uu markaan soo Magacaabo RW iyo Dowlad Damjadiid wada ah, kuligoodnah Walaallo Mataano ah.

Marba hadii Rajadii laga qabay Hormarka, Demokrasiyadii, Wax ka qabadka, Nabadgalyadda, La Dagaalanka Al-Shabaab, Shaqooyin Abuurista Gobollada Koofureed oo Collaadu ku 25 Jirsatay, ay kusoo Aruureen Kalaam Faaruq ah, hadaba Soomaaliyeey wax kasta waa laga filan karaa Xasan Sheikh Maxamuud.

Ma Xasuusataan markii lasoo doortay Mowqifkii uu ka istaagay dhismooyinka Maamul Goboleedyadda, ma xasuusataan Khudbadii uu Soomaali u jeediyay oo uu ku yiri in aysan dhici doonin Cadaalad darro dambe? Lix Bilood kadibnah uu Kismaayo Gacanta u galiyay Dad meel dheer kasoo duulay. Sidaa daraadeed wax kasta oo uu hada kadib Xasan Sheikh balanqaado, waxaan u qaadanayaa Hadal Qurxoon oo aan Qalbiga kasoo bixin.

Dadka Siyaasadda Soomaaliya u kuurgala waxey aad u hadal hayaan Xasan inay ku Xayn-daabanyihiin Kooxo Diimeed la Magac baxay Dam-Jadiid, waxey u badanyihiin Ururkaas kuwo ka yimid Indonesiya iyo kuwo ka yimid Suudaan, Da’doodu 55 Jir baa ugu weyn, kuligoodnah waxey ka simanyihiin Jacelka ay u hayaan in ay Lacag sameeyaan, si kastanah ku sameeyaan.

Waxaa la sheegay in ay yihiin Ma-Xishoodayaal, Dalka dhaafsanaya dullaal ay helaan, waxey Jecelyihiin in meelkasta oo Howli ka socoto uu Maamule ka ahaado Nin ka tirsan Ururkaas.

Lacagta ku Baxday Mooshinka

Wararka Keydmedia Online soo gaaraya ayaa sheegaya in aan Codadka lagu riday RW Saacid aan lagu bixin si Bilaash ah. Waxaana 184tii Xildhibaan mid walba Gacanta loo galiyay 20 Kun oo Dollarka Mareykanka ah, halka 10 isla markiiba la siiyay, 10-ka kalenah loo balanqaaday in la siiyo marka ay u Codeeyaan Raisul Wasaaraha lasoo Magacaabi doono.

Waxaa kaloo intaas dheer 26dii Maalmood ee uu Buuqaan socday, Qarashyadda ku baxay Hoteellada kala ah Palast Hotel iyo Jaziirra oo markii lagu darro Lacagta la siiyay Xildhibaanadda uu Qarashkaas gaarayo 11 Malyan oo Dollarka Mareykanka ah, waxeyna lamid tahay Miisaaniyadda Sanadkii lasoo dhaafay ay kusoo shaqeeyeen.

Xildhibaannada Qaarkood waxaa laga balanqaaday in Jagooyin Dowladda laga siin doono.

Warbixin kooban: Yaa Xilka sii hayn doona?

Sidaan kor kosoo Qornay waxey u badantahay haduu Aqballo Cabdi Faarax Shirdoon ‘Saacid’ in uu sii hayn doono Xilka, intii Madaxweynaha uu Magacaabi doono Raisul Wasaare Cusub. Haduu Saacid diido in uu RW KMG ah noqdo, waxaa banaan in intii Madaxweynuhu uu Magacaabi doono Raisul Wasaare Cusub, Soomaaliya noqoto Dowlad la’aan.

Prof. Jawaari ayaa Xalay la hadlay RW Saacid asigoo ka codsanayay in uu noqdo RW KMG ah, sidaas waxaa noo xaqiijiyeen Duplumaasiyiin ka Howlgalla Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu haystaa muddo 4 Asbuuc ah in uu Magacaabo Raisul Wasaare Cusub, inkastoo Madaxweyne Xasan Sheikh uu horey u diyaariyay Jadwalka.

Waa iska Cadahay in Mooshinka ka dhanka ah Raisul Wasaare Saacid laga soo diyaariyay Xafiiska Madaxweynaha iyo Wasiirka Madaxtooyadda Faarax Cabdulqaadir, waxeyna Siyaasiyiin badan aaminsanyihiin in “Kooxda Madaxweynaha” ay horey u diyaarsatay ama horey Qorshaha ku darsatay Qofkii la wareegi lahaa Kursiga.

“Aniga ma dhihi kari Madaxweynuhuu wuu ka warqabaa Qofkuu Fariisiin lahaa Kursiga Saacid, laakiin waxaa Cad in Faarax Cabdulqaadir oo ah Ninka gadaal ka riixa Madaxweynaha uu diyaariyay Qof” Ayuu yiri Xildhibaan aan arintaan kala hadalnay oo Codsaday in Magaciisa lasoo daabicin

Waxaa la Qiyaasayaa in iska Sanadkaan 2013 uu Madaxweynuhu Magacaabi Raisul Wasaarihii Lixaad ee soo mara Soomaaliya.

Xigasho: KON

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com