War Deg Deg Ah: Xukumadda Raisalwasaare Shirdoon Oo Kalsoonidii Lagala Laabtay

0

Breaking_NewsMuqdisho(AGGM) Waxaa hadda soo gebagaboobay Mooshinkii loo qaadayey xukumada Raisalwasaara Cabdi Faarax Shirdoon,waxaana kalsoonida kala noqday xildhibaano gaaraya 184 mudane,waxaana raisalwasaaraha u codeeyey inay xukumadiisu sii jirto 68 mudane,waxaana hadda lagu wadaa inuu shir jaraa’id qabto Gudoonka baarlamaanku.

Ma jirto cid ka aamustey mooshinka maanta loo qaaday xukumadda federaalka ah,waxaana xildhibaanadu u kala safnaayeen qaar ka soo horjeeda xukumadda iyo qaar taageersan inay xukumadu sii jirto.

Ugu dambeyntii lama yaqaan oo talaabada uu qaadi doono Raisalwasaare Cabdi Faarax Shirdoon oo dhawaan shaaciyey in mooshinka ka dhan ka ah xukumadiisu u yahay mid qaldan uusan aqbali doonin natiijada ka soo baxday.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com