Top News: Mudane Xildhibaan, Faarax C/qaadir (Faarax Topaz) Iyo Soomaaliya Mid Dooro.

0

faarax topazMuqdisho (AGGM): Sida la wada ogsoon yahay Dowladda Soomaaliya ayaa ku shaqeysa Maslaxadda Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Faarax C/qaadir (Faarax Topaz).

Faarax ayaa sida cad ka amar weyn dhammaan Hay’adaha dowladda taas oo ay la yaabeen dhammaan qeybaha Bulshada Soomaaliyeed.

Dowladdaan oo markii hore dadku ay aad uga xumaadeen danaha gaarka ay Masiirka Ummadda Soomaaliyeed ku fashanayaan Koox Diimeedka Madaxweynuhu uu ku jiro ee Damu Jadiid ayaa hadan Fajac barako Maleh waxaa ka sii dhigeysa kali tilinimada Faarax C/qaadir.

Faarax Topaz ayaa iminka loo aqoonsaday Hoggaamiyaha Ruuxiga ee Urur Diimeedka Dam Jadiid ee iyagu  haatan Maamula dowladda Federaalka Soomaaliya.

Isku soo wada duuboo saacadaha soo socda ayaa waxaa la ogaan doonaa XIldhibaanada Baarlamaanka laba arimood midka ay doortaan kuwaa oo kala ah mudane Xildhibaan “Faarax C/qaadir (Faarax Topaz) Iyo Soomaaliya Mid Dooro”.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com