Fadeexad: Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Aan Dhex dhexaad Ka Aheyn Arrinta Mooshinka.

0

Mudane-JawaariMuqdisho (AGGM): Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa dhex dhexaad ka aheyn arrinta Mooshinka ka dhanka ah Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya C/faarax Shirdoon Saacid.

Jawaari ayaa la sheegay in Mooshinka oo ahaa Kalsooni kala noqoshada dowladda uu u weeciyay Kalsooni kala laabashada Ra’isal Wasaaraha taas oo ah sida uu doonayay Madaxweynaha Maadaama Wasiirada ay Hormuud ka yihiin Mooshinka.

Qorsha ayaa lagu sheegay in ay tahay si Wasiirada Dam Jadiidka ah loo bad baadiyo , waxaana si cad looga Been sheegay Xildhibaanada Baarlamaanka ee Maanta Xaadir ku aheyd kulanka kuwaaso oo lagu sheegay illaa 248 ahaana 128 waxaana Masuul ka noqon doono Xildhibaan Caadil Sheegow Sagaar oo ka mid ah Shaqaalihii Shariif Sakiin iyo Cabdi Weli Muudey taasina waxa ay Cadeyn buuxda u tahay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu sharciyaddii ka dhigay Rabitaanka Dam Jadiid , taas oo laga yaabo Rajadii laga qabay Soomaaliya in ay Mugdi  Galiso.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo laga Xusi karo Xildhibaan Feysal oo ku qeylinaya kuma jirno Liiska Xildhibaanada Mooshinka gudbiyay ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka si ula kac ah uu u xiray Fadhigii Maanta.

Xildhibaan Feysal ayaa shalay Dooda Idaacadda V O A waxa uu ka sheegay in Mooshinka socda ay wadaan Urur Diimeedka Dam Jadiid , haddii Baarlamaanka uu ka fulo Mooshinkaan sidii Baarlamaanka look ala diray ayaa look ala dirayaa midka Soomaaliya , dadka Soomaaliyeedna Kalsoonida ay kala noqonayaan.

Warar Hoose ayaa sheegaya in Guddoomiye Jawaari uu Faarax C/qaadir uu siiyay Lacag dhan 1 Million oo dollar taas oo qorshaha ka dambeeyo uu yahay in sharafta iyo karaamada Baarlamaanka Soomaaliyeed loogu gacan geliyo Urur diimeedka Dam Jadiid.

Xildhibaanada Sharafta leh iyo kuwa dhuuni raacdada ah Arrintaan ayaa lagu kala ogaan doonaa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com