Top News: R/wasaare Saacid Oo Dhawaan Shir Jaraa’id Qaban Doona.Maxuuse Uga Hadli Doonaa?

0

WarbixinMuqdisho (AGGM): R/wasaaraha Xukuudama Federaalka Soomaaliya Abdi Faarax Shirdoon ayaa sida ilo waxa ay sheegeen in uu dhawaan qaban doono Shir Jaraa’id oo uu uga waramayo maraxaladihi kala duwanaa ee dalku soo maray sanadki tagay.

Ilo wareedkan oo u waramay warbaahinta Caalamiga ah ee Allgalgaduud Media ayaa waxa uu sheegay in R/wasaare Saacid daboolka ka qaadi doono wax badan oo beesha Caalamka iyo dadka Soomaaliyeed ka qarsoon.

Waxaan kuu sheegayaa amaba kuu fasirayaa”Gudoomiyihi Bangiga Dhexe ee xilka iska casishay Yusur Abraar waxay 14 Maalmood ku ogaatay, ma waxaad isleedahay waxba lalama socdo,  Adeer ka badan ayaanu ognahay, waxaana dhawraynaa amaba ku simeeynaa inta Baarlamaanku shaqadiisa qabsanayo.

Ilo wareedkan ayaa si waadix ah hoosta uga xariiqay in haddii Baarlamaanku hoowshiisa u gudan waayo sida sharciga waafaqsan inay suuro gal tahay xaalka Soomaaliya inuu noqonayo mid jaantaa rogan ah, warkuna ku soo idlaanayo “Ayax Tag Eelna Reeb”.

Isku soo wada duuboo waxaan dhoowrnaba waa sida uu u xaqiiqoobo warkan ka soo yeeraya mid ka mid ah ilo wareedyadeena badan ee ku dhow dhow Xafiiska R/wasaare Saacid.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com