Top News Dhageyso:Xildhibanada Khatumo Oo Shir Qabtay Kana Hadlay “Xasuuqii Taleex”.

0

galaydhMuqdisho (AGGM): Mudanayaasha Baarlamaanka F Somalia Ee Kasoo Jeeda Deegaanada Khaatumo State Of Somalia Ayaa Sheegay Xasuuqii Ka Dhacay Taleex Inuu Masuul Ka Yahay C/raxmaan Faroole.

Xildhibaanada federaalka Somalia ee kasoo jeeda gobolada sool sanaag iyo cayn ee Maamulka khaatumo state of Somalia ayaa Siwayn uga Hadlay dhibaatadii dadka shacabka ah ay ku dhinteen ee ka dhacday magaalada taleex ee gobolka sool taasoo ay ku eedeeyeen inuu masuuliyadiisa qaadayo maamulka puntland ee faroole ka taliyo.

Xildhibaan cali khaliif Galaydh oo kamid ahaa xildhibaanada shirka jaraa,id ku qabtay magaalada muqdisho ayaa sheegay inay dhibaato u gaysteen dad shacab ah oo reer khaatumo ah islamarkaana carabka ku adkeeyey in shirka khaatumo uu dhici doono aayahoodana ay ka tashan doonaan dabkaas uu shiday c/raxmaan faroolena uu isagu cawaaqib xumada ay keento uu dusha u ridan doono.

Halkan Hoose Ka Dhagayso Prof Galaydh Iyo Xaalada Taleex

Sidoo kale xildhibaan c/rashiid c/laahi maxamed agoon ayaa si kulul uga hadlay dhibaatadii ka dhacday degmada taleex islamarkaana daboolka ka qaaday saraakiisha hogaaminayey dagaalka oo uu tilmaamay inay dhamaan kasoo jeedaan degmada garoowe kuwaasoo uu carabaabay inay si arxan daro ah ugu dileen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Halkan Hoose Ka Dhagayso Xildhibaan Cabdirashiid Oo Ka Warbixiyay Dagaalka Taleex

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com