Qarax Qasaaro Reebay Oo Xalay Ka Dhacay Magaalada Jowhar.

0

qaraxJowhar (AGGM): Qarax bambaano oo xalay ka dhacay suuqa lagu iibiyo jaadka ee magaalada Jowhar ayaa geeystey qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxan ayaa la sheegay in uu ahaa bambaanada gacanta laga tuuro oo lagu weeraray ciidamo ka tirsan dowladda oo marayay wadada, waxaana qaraxan dhaawacyo ka soo gaaray ugu geeriyootay isbitaalka magaalada Jowhar mid ka mid ah haweenka ka ganacsada qaadka ee magaalada Jowhar.

Rasaas badan ayaa la maqlay wax yar kadib markii uu qaraxan dhacay hase yeeshee lama sheegin in wax qasaare ah oo ka soo gaaray ciidamada milatariga ah ee weerarka bamka ah lagu qaaday.

Qaraxan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay saddex ruux oo labo kamid ah ay ahaayeen dhalinyaro ka xamaalata suuqa jaadka waxaana la dhigay isbitaalka magaalada Jowhar.

Ma jiro illaa iyo hadda cid ka tirsan maamulka degmada Jowhar oo ka hadashay qaraxan mana jirto cid loo qabtay qaraxan.

Illaa iyo hadda ma jiro cid sheegatay qaraxan, hase ahaatee ammaanka magaalada Jowhar ayaa aad u wanaagsanaa toddobaadyadii la soo dhaafay.

Xaalada ayaa degen iyadoo ganacsiga iyo isu socodka dadkana uu caadi ahaa marka laga reebo dadka oo is weydiinayaa qaraxa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com