Maamulka Puntland “Weli Nama Soo Gaarin Halki Milyan Ee Ay Dowladda Fedraalka Ku Deeqday”.

0

Maxamuud Ceydiid DirirGaroowe (AGGM): Maamulka Puntland ayaa sheegay in aanay soo gaarin Halkii Milyan ee Dollar oo dowladda Soomaaliya ugu yaboohday dhibaatada ka dhalatay duufaantii labo todobaad ka hor ku dhifatay deegaaada xeebaha bari.

Wasiirka Qorsheynta Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir ayaa u sheegay Idaacada BBC-da in lacagtaas waxba ka soo gaarin, isagoo tilmaamay in balan-qaadkii dowladda ee lacagta halka Milyan uu ahaa mid la iska yiri.

“Lacagtii Halka Milyan ee dowladda federaalka Soomaaliya ay ku deeqday ee dhibaatadii ka dhalatay duufaanta waxba nagama soo gaarin, waa hadal la iska yiri oo aan wax qorshe ah looga tala gelin”ayuu yiri Ceydiid Dirir.

Waxaa uu sheegay in wax lala yaabo tahay in dowladda Soomaaliya oo heysa mas’uuliyad weyn aanay xil iska saarin gurmadka dhibaatada ka dhalatay duufaantii roobabka wadatay ee baabi’isay nolosha dad badan oo degenaa deegaanada xeebaha bari.

Sidoo kale waxaa uu mar kale ku celiyay in aanay diyaar u aheyn inay qaabilaan wafdi siyaasadeed, isla markaana ay ku mashquulsan yihiin howlaha gurmadka dhibaatadii ka dhalatay duufaanta Puntland ku dhifatay sida uu yiri.

Dowladda Soomaaliya ayaa Hal Milyan oo dollar ugu deeqday dhibaatada ka dhalatay duufaantii Puntland, iyadoo dad badan ay saluugsanaayeen qaabka dowladda ay ula deg degtay yaboohaas lacageed ee aadka u badan, halka deegaanadii u dhowaa oo fatahaado ka dhashay wabiga Shabelle aanay gurmad lixaad leh la gaarin, marka laga reebo lacag dhan 50-kun dollar oo aanay wada gaarin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com