Banka dhexe ee Soomaaliya oo loo magacaabay Guddoomiye KMG ah

0

MUQDISHO AGGN:Warar soo baxay ayaa sheegaya in Dowladda federaalka Soomaaliya Guddoomiye KMG ah ay umagacaawday Baanka dhexe ee dalka Soomaaliya, maadaama Guddoomiyihii Baanka dhexe ee dalka ay horay isku casishay.

Xilka Guddoomiyaha Baanka ayaa waxaa si KMG ah loogu dhiibay Bashiir Ciise oo horay usoo noqday Guddoomiyihii Bankiga Dowladii C/laahi Yuusuf iyo Shariif Sheekh Axmed.

Magacaabista Guddoomiyaha Baanka dhexe ee dalka waxa ay timid, kadib markii shalay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wasiirka Maaliyada Xukuumadda ay kulan la qaateen masuuliyiin ka socota dowladaha deeqbixiyaasha, kuwaasi oo Madaxweynaha wax ka weydiiyay sababta iscasilaada Yusur Abraar.

Bashiir Ciise, ayaa ah shaqsi si wanaagsan ugaranaya howlaha Baanka dhexe ee dalka, waana ruux howshan muddo soo haaye, laakiin markii dambe uu xilkaasi iska casilay, kadib markii ay isku dhaceen Shariif Xasan Sheekh Aadan oo xilligaasi ahaa Wasiirkii Maaliyada Dowladii KMG aheyd.

Yusur Abraar oo Xilka Guddoomiyaha Baanka dhexe ee dalka haysay muddo 7 Maalin ah ayaa durba ku dhawaaqdy inay xilkaasi ka tagtay, kadib markii sida la sheegay ay cadaadisyo la kulantay.