Xog La Helay: Khilaaf Iyo Is Aaminaad La’aan Ka Dhex Taagan Madaxweyne Xasan, Faarax Topaz, Iyo Damu Jadiid.

0

xasankaaaMuqdisho (AGGM): Wararka naga soo gaaraya xarunta Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan Xafiiska MadaxweynahaJamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa ay sheegayaan in khilaaf iyo amain daro ay soo kala dhexgashay Madaxweynaha, Faarax Cabdulqaadir “Faarax Topaz” iyo urur diimeedkooda Damu Jadiid.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in khilkaafka Madaxweynaha iyo Faarax Topaz uu ka biloowday kadib marki
maalinimadi Axada ay soo wajahday urur diimeedka Damu Jadiid fadeexad iyo jahwareer siyaasdeed marki Mooshin
dhicis ah ay u gudbiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa lagu wargaliyay habeenimadi Sabtida in ay gactooda ay ku jiraan 168 Xildhibaan
oo taageersan Madaxweyne Xasan, waxaa kaloo loo sheegay in dhamaan Xildhibaanadaas la siiyay lacago laaluush ah
loona dhameeystiri doono inta u dhiman marki mooshinka laga geeyo xukuumada uu guul ku soo dhamaado.

Arrintuse sidaa waa ay ka duwaneedoo Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu mar qura ku baraarugay oo uu ogaaday tirada
Xildhibaanada ah ee sida dhabta ah u taageersanaa ay ahayd 40 Xildhibaan oo iyagu teer iyo shalay si toos ah ulla soo
xiriirayay Madaxweynaha iyagoo u sheegay in Xildhibaanada Qaarkood aanba la siin lacagaha loo balan qaaday kuwaa oo
ku eedeeyay faarax Topaz inuusan hoowshan mooshinka daacad ka ahayn islamarkaana lugooynayo Madaxweynaha.

Waxaa soo shaacbaxay xalay in khilaafka u dhexeeyo Faarax Topaz iyo kooxda Damu Jadiid kadib marki Madaxweynaha
uu isagu si toos ah faraha ula soo galay dagaalka, isagoo u sheegay Farax Topaz inuu isagu mas’uul ka yahay fadeexada
kasoo raacday Baarlamaanka, Madaxweynaha ayaana waxa uu dib isugu yeeray Xildhibaanada isagoo ka raali galinaya
tacadiyadii ay u geeysteen Faarax Topaz iyo uurur diimeedka Damu Jadiid.

Dhinaca Kale Madaxweynaha ayaa xalay waxa uu gurmad ahaan ugu yeertay Qunsulka Soomaaliya ee dalka Kenya
Siyaad Maxamud Shire si uu bal ugu ololeeyo mooshinka ka dhanka ah Xukuumada uu hogaamiyo R/wasaare Saacid,
maadaama loo sheegay inuu ku fiican yahay dhanka ololaha.

Isku soo wada duuboo Soomaalida ayaa waxa ay ku maah maahdaa “Labadi Laqdabo Ku Heshiiso Lilaahida Isku Dirta”
taa oo uu macnaheedu yahay Madaxweyne Xasan iyo Farax Topaz oo ay ka dhex tafan tahay durbana bilaabay inay is
eedeeyaan..

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com