Mooshinkii Sharcidarada Ahaa Iyo Kulankii Baarlamaanka 24November 2013 W/Q. Dr Dahir Nur Jama (Dr Truman)

0

kulankii-baarlamaanka-4Sida aan la wada socono waxaa jirey Motion la sheegey in looga soo horjeedo Raysalwasaaraha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faraax Shirdoon (Saacid), Mooshin ku wuxuu ahaa mid aan heysan wax sharciyad Dastuuri ah, isla markaana aan waafaqsaneyn Xeer Hoosaadka Baarlamaanka.

Waayo mooshin ku wuxuu ahaa mid la soo dhex geliyey, lana doonayey in looga faa’iideysto khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Raysalwasaraaha.

Wuxuuna ahaa Cinqilaab lagu ridayey Xukuumadda Federalka ah,maadaama Madaxweynuhu iska jeclaaday inuu diro ama shaqada ka joojiyo Raysalwasaaraha kuna guuleysan waayey inuu markaa u isticmaalo xubno ka mid ah Baarlamaanka soomaaliya kuwaas oo siyaabo badan loo adeegsadey,laguna qanciyey iney Motion ka keenaan Xukuumadda Federalka ah.

Waayo madaxweynuhu uma lahan awood dastuuri ah inuu casili karo raysalwasaraaha dalka, laakiin u heystey markii hore inuu si sahal ah u casili karo raysalwasaaraha, waayo madaxweynaha waxaa muuqata inuu yahay nin ama shaqsi ka indho xiran awoodaha dastuuriga ah ay kala leeyihiin madaxweynaha iyo raysalwasaaraha,ka dibna ay ku noqotay meel uu iftiin ka sugayey iney mugdi ku noqotay,taas  baa keentay in shaxdii loo bedelo in loo adaagsado xubno ka mid ah baarlamaanka soomaaliya isla markaana uu hoggaaminayey Guddoomiye –ku xigeenka labaad ee baarlamaanka.

Intaas ka dib waxaan u soo noqonayaa motionkii iyo kulankii baarlamaanka 24 November 2013,loogana doodayey motionkii aan dastuuriga aheyn. Su@ aasha ama su’aalaha la is weydiin karo waxaa ka mid ah maxaa ka soo baxay kulankaas, sidee wax u dheceen, miyaa lagu guuleystay,mase waa lagu guuldareystay ujeedadii laga lahaa?

Waxaan og nahay in la yiri xubno ka mid ah baarlamaanka ayaa motion ka keeney raysalwasaare Saacid, markii la diyaarinayey motionkaan aan quruxda badneyn ee fadeexada ah” Scandal” waxaa kulankii 24 November 2013 hogaaminayey Guddoomiyaha baarlamaanka Mudane Jawaari, waxaa dhacday in waraaqo ay ku qoran yihiin motionkii la sugayey,waxaa dhacday in xubnihii baarlamaanka loo qaybiyey motion aan laheyn summad lagu aqoonsado cidda soo jeedisey iyo saxiixoodaba,ka dibna inuu goobta ka dhacay buuq iyo qaylo, in faraha la isku taagtaago waayo xubno ka mid ah baarlamaanka ayaa aad u dhaliiley sharciyada uu heysto motionkaan aan laheyn magac iyo saxiixtoona. Ka dibna in dib loo dhigey ka doodistiisa kulan dambe oo la is kugu imaan doono 30 December 2013. Haddaba waxaa meeshaas iiga muuqata fashil weyn oo soo wajahay guddoonka sare ee baarlamaanka soomaaliya, waayo sidee ku dhici kartaa in motion aan waafaqsaneyn Xeer Hoosaadka baarlamaanka loo qaybiyo xubnihii kulanka joogey isla markaana uga doodaan ujeedadii lahaa Motionka?

Waxaa dhacaday in markii la dhaliilay motionku inuu yahay mid qaldan marka loo eego xeer hoosaadka baarlamaanku leeyahay in dib loo celiyo, laakiin haddii aysan xubnahaas ka hadlin qaladkiisa waxaa muuqata in la marsiin lahaa si cad oo bareer ah, su’aal kale baa halkaas ka imaaneysa waa maxay ujeedada ay guddoonka sare baarlamaanku ka lahaayeen waayo markii asaga gacanta loo geliyey waa og yahay waxa qaldan isla markaana aheyn wax maraya baarlamaanka intooda badan waayo waa dad wax akhriya ama wax soo bartay,kuna jiraan shaqsiyaad badan oo leh aqoon sare ee jamacaadeed, kuwo badan oo xasuusan dhaartii ay u dhaarteen iney daacad ugu shaqaynayaan dadkooda, dalkooda iyo diintooda si ay ku jirto dareen Waddanimo iyo Soomaalinimo.

Arrinta kale ee la is weydiin karo waxaa waaye, markii la ogaaday inuusan aheyn motion leh sharciyad waxaa la siiyey waqti dheer in dib looga doodo 24 November to 30 November 2013, miyeysan aheyn arrin kale oo wax badan la iska weydiin karo, sida in la soo habeeyo motion aan awalba heysan sharciyad,isla markaana ku fashilmay qaabkii loo soo gudbiyey in haddana la siiyo waqti dheer ay dib isugu soo abaabulaan qolooyinkii qaswadayaasha ee oranayey waxaan heysannaa motion ay ku saxiixan yihiin 168 xildhimaan, sidaa awgeed ma guddoonka ayaa ku jira shabaqa micnaha shabaqa waa weyn yahay waxaana ku jira “dooliyaal badan” sida muuqata, marka l fiiriyo habka loo maamulayo motionka la sheegey iyo sidii markii horeba uu ku yimid taas oo ah mid aan aheysan wax sharciyad ah,waxaase taas ka daran sida ay hadda ay wax ku socdaan,waxaa jira oraah soomaali ah oo oraneysa ” ISLAANTII MAXAAD KU OGEYD,INDHO LA’AAN,WAXAAY KU DARSATEY DAD CUNNIMO”.

Waayo guddoonka sare ee Baarlamaanka soomaaliya waxaa ka muuqata fashil weyn weliba dhinaca sharciyadda loo maamulayo motionka cinqalaabka ah. Waxaan aaminsanahay in soomaali weyn oo dhan iyo caalamkuba ay isha ku hayaan sida uu baarlamaanku u ilaayo sharuucda uu dalku leeyahay qaas ahaan dastuurka iyo xeer hoosaadkiisaba.

Waxaan maqlayey in lagu andacooday ama sabab loogu yeelay ka maqnaanshaha magacyada iyo saxiixoodaba qolooyinka qowleysatada ah dhegtana wax loogusoo sheegey, in uu jiro qodob ka mid ah xeer hoosaadka isla markaana dhigaya inaan la faafin karin magacyada iyo saxiixayaashaba ka hor maalinta uu bilaamayo ka doodistiisa motionka. Waxaase isweydiin leh baarlamaanku horey uma ogeyn miyaa taas, haddii ayse jirto markii loo qaybinayey motion aan dhameystirneyn,maxaa waraaq loogu lifaaqi waayey tilmaameysa inaan la faafin karin magacyada, iyo saxixaba, ma markii la socod siin waayey miyaa arrintaas looga dhigayaa sabab,mase tahay wax macquul ah “logically” iskab daa sharci iyo xeertoonaba!

W/Q. Dahir Nur Jama ( Dr Truman)
jama191@hotmail.co.uk

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com