Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Dalalka Deeqaha Bixiya Ay Wax Ka Weydiiyeen Arrinta Iscasilaadii Gudoomiyihii Bankiga Dhexe.

0

XASAN SHEEKHMuqdisho (AGGM): Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kula kulmay Safiirada Deeq bixiyeyaasha caalamka oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho, iyagoo ka wada hadlay is casilaadii Gudoomiyihii Bankiga Dhexe iyo mooshinka Baarlamaanka hor-yaala ee ka dhanka ah Ra’iisul Wasaaraha.

Kulankan oo ahaa mid uu albaabada u xirnaa ayaa Madaxweynaha waxaa uu warbixin ka siiyay xubnaha Safiirada deeq bixiyeyaasha arrinta Bankiga Dhexe oo muddo bil ka hor ay is casishay Gudoomiyihii Bankigaas Yusur Abraar.

Labada dhinac ayaa isla gartay in la dar dar dhisida hey’adaha maaliyada dowladda, isla markaana Gudoomiye cusub ee KMG ah loo magacaabo Gudoomiyaha Bankiga Dhexe.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warbixin ka siiyay Safiirada deeq bixiyeyaasha mooshinka hor yaala Xildhibaanada Baarlamaanka ee kalsooni kala noqoshada Xukuumada, isagoo Madaxweynuhu cadeeyay in Baarlamaanka xaq u leeyihiin in mooshin ka keenaan Xukuumada, lana xisaabtaan, taasna ay tahay howl uu wali Baarlamaanka gacanta ku haayo.

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Maxamuud Xasan Suleymaan oo Wariyeyaasha la hadlay marka uu soo dhamaaday kulanka ayaa sheegay in waxyaabihii laga wada hadlay la isku afgartay, isagoo aan faah faahin dheeraad ah ka bixin, isla markaana aan wax su’aalo ah laga weydiin.

Kulankan ayaa noqonaya kii labaad oo Madaxweynaha uu la qaato safiirada deeq bixiyeyaasha caalamka, tan iyo markii ay soo shaac baxday is casilaada Gudoomiyihii Bankiga Dhexe Yusur Abraar oo muddo 7-isbuuc xilkaas heysay.

Ma jirto tafaasiil dheeraad ah oo laga helay kulankan oo uu ahaa mid albaabada u xirnaa, hase ahaatee waxaa uu ku soo beegmay, iyadoo Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha uu khilaaf soo kala dhex galay, isla markaana baarlamaanka hor-yaalo mooshin codka kasloonida loogu qaadayo todobaadka soo socda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com