Taliyaha Amisom Ee Gobolada Konfureed Oo Kulan Magaalada Luuq Kula Qaatay Mas’uuliyiinta Dolwadda Iyo Ahlusunna.

0

war-h2Luuq (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Luuq ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in magaaladaasi ay soo gaareen wafdi balaaran oo uu hogaaminayay Taliyaha sadexaad ee ciidamada AMISOM.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa Ayado maalmo laga joogo xiligii ay Ciidamada Itoobiya ay si rasmi ah ugu biireen Howlgalka nabad ilaalinta ee Amisom ayaa waxaa marki ugu horaysay Somalia Soo gaaray Taliyaha Cusub ee Ciidamada Amisom u qaabilsan Gobolada Konfureed ee Soomaaliya.

Taliyahan oo ah Genaral ka tirsan Ciidamaada Milatariga Wadanka Itoobiya ayaa waxaa uu noqonaya Masuulka ugu sareeya Ciidamada Itoobiya ee ku socda magaca howlgalka Amisom ee ku sugan Gudaha Soomaaliya sidoo kale waxaa uu noqonaya Masulka 3 xaad ee ugu sareeya Ciidamada Amisom .

Genaraalka Itobiyaanka ah ayaa waxaa shalay Magaalada Luuq keentay Diyaarad Milatari oo ay leeyihiin Ciidamada Itoobiya waxa unua halkaasi kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta dowladda ee gobolka Gedo iyo Gudomiyaha Ahlusunna Walajamaca ee Gobolada Konfureed Shiikh Maxamed Aw-libaax iyo Afhayeenka Ahlusunna iyo Siyaasiyiin kale.

Kulankaan oo ahaa mid waqti dheer qaatay ayaan xog rasmi ah laga heyn waxaa looga wada hadlay balse ilo ku dhow dhow masuliyiinta la kulmay Taliyahaan ayaa waxaa ay Allgalgaduud Media la wadaagen in Masulkaan ka socda Amisom iyo Masuliyiinta uu la kulmay ay isla qaadaa dhigeen arimo badan oo ay ugu horayso Xoreynta Degmoyinka ku jira Gacanta kooxda Al-Shabaab ee dhaca Gobolada Jubboyinka iyo Gedo iyo arimo kale oo badan.

Isku soo wada duuboo Taliyaha Cusub ee Amisom u qabilsan Gobolada Konfureed ayaa waxaa hoos imaanaya Howlgalada Amisom ee ka socda Gobolada Jubboyinka iyo Gedo Bay iyo Bakool iyo Hiiraan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com